HomeAll newsErgay Lagu Dilay Muqdisho Iyo Howlgallo Kale.

Ergay Lagu Dilay Muqdisho Iyo Howlgallo Kale.

Wararka ka imaanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay maanta magaalada Muqdisho ku dileen mid katirsanaa wadaadadii dhawaan Muqdisho ay dowladdu ku shirisay.

Mukhtaar Sheekh Cabdi oo la oran jiray shaqsiga la khaarijiyay ayaa sidoo kale kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlamaanka DF ee laga soo doortay dhanka koonfurta galbeed.

Dhanka kale howlgal ay Mujaahidiintu ka fuliyeen degaanka Tabeelaha Sh. Ibraahim ee duleedka Muqdisho ayaa waxay ku khaarijiyeen askari katirsanaa ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa CID-da.

Ciidamada Al-Shabaab ee ka howlgala caasimadda Muqdisho ayaa dardargeliyay howlgalladooda ka dhanka ah xubaha kala duwan DF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular