Sheekh Xassan Abuu Xamsa oo ah waaliga wilaayada Mudug ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan uga warbixiyay dagaallo dhawaan ka dhacay nawaaxiga degaanka Wisil.
Dagaaladan oo u dhaxeeyay ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Danab ee uu Mareykanku barbaarsaday ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wuxuu faahfaahin ka bixiyay inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha, isagoo gunaanadkii wareysiga bogaadiyay weeraradii dhawaanahan dhacayay sida kii Galcad, Sabiid, Ceelbacad iyo kuwii lamidka ahaa, ugu dambeyntiina wuxuu diray baaq ku socda dhinacyo kala duwan.