HomeAll newsDEG-DEG: Toogasho Khasaare Sababtay Oo Ka Dhacday Dalka Jarmalka.

DEG-DEG: Toogasho Khasaare Sababtay Oo Ka Dhacday Dalka Jarmalka.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaare ka dhashay weerar toogasho ah oo ka dhacay waqooyiga dalka Jarmalka.

Booliska Jarmalka ayaa ku dhawaaqay in laba ruux ay si xun ugu dhawaacmeen toogasho ka dhacday meel u dhow dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Bramash ee waqooyi-galbeed dalka Jarmalka.

Goob joogayaal ayaa ku waranmay in nin hubeysan uu rasaas la dhacay dad halkaasi ku sugnaa taas oo sababay dhaawac daran oo soo gaaray laba qof, kuwaas oo loola cararay goob caafimaad oo ku taalla magaaladaasi.

Sarkaal u hadlay Booliska magaalada ayaa sheegay in la soo xiray ruuxii weerarka geystay islamarkaana su’alo laga weydiinayo sababta ku kaliftay falkaan uu ku dhaqaaqay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular