HomeAll newsDEDEG: Al-Shabaab oo Cagta Mariyay 2 Xero oo Ku Yaalla Baar-Sanguuni.

DEDEG: Al-Shabaab oo Cagta Mariyay 2 Xero oo Ku Yaalla Baar-Sanguuni.

Ciidamada milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka mowjado weeraro ah ku kiciyay ciidamo badan oo ku sugnaa degaanka Baar-sanguuni oo dhaca inta u dhaxaysa Jamaame iyo Kismaayo.

Waxaa cagta la mariyay 2 xero oo ay kala degganaayeen ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland, askartii xeryaha ku sugnaa waxaa laga dhigay wax la dilo iyo qaar carara.

Wariyaheena Jubbada Hoose Maxamad Amiin ayaa soo sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen gabi ahaanba saldhigyada, xeryahana lagu arkayo meydadka ciidamada DF oo daadsan.

Dagaalka kadib, ciidamada Al-Shabaab waxay hawlgallo ka sameeyeen xeryaha si ay u xaqiijiyaan ammaanka, sidoo kale waxay rarteen saanad badan oo ay goobta uga carareen ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXINTA DAGAALKA

Halkan kala soco wixii soo kordha

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular