Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cadicasiis Abuu Muscab ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhibaatooyin ay ka cabanayaan bulshada magaalada Muqdisho.
Ugu horreyn wuxuu shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyay weerarki degmada Cabdicasiis ee lagu beegsaday dhaawacyada macawiisleydii ka dagaalamaysay bariga Hiiraan, wuxuu sheegay iney muddo xog buuxda ka hayeen guriga, cidda kireysay iyo dhaawacyada ugu dambeynna ay weerareen.
Khasaaraha dhimasho ayaa gaaray 79 macawiisley ah oo saraakiil iyo askar isugu jira sida uu xaqiijiyay afhayeenka, wuxuuna sheegay iney tallaabo ka qaadi doonaan meel walbana uga daba geli doonaan cid walba oo la dagaalanta shareecada islaamka.
Intaasi kadib wuxuu faahfaahin ka bixiyay go’aano cusub oo ay Xarakada Al-Shabaab ka qaadatay dhibaatooyin xad dhaaf ah oo ay kasoo cawdeen bulshada Muqdisho, kuwaasoo ay kamid yihiin goobo sinada u furan oo hoteello iyo guryo isugu jira, daroogo xad dhaaf ah, tuugo dhac u geysanaya bulshada iyo ciyaal weero.
Wuxuu xusay iney umuurahan oo dhan baaritaano ku sameeyeen islamarkaana xog buuxda ka heleen, isagoo ciidamada Mujaahidiinta ee ka hawlgala Muqdisho u sheegay iney hadda wixii ka dambeeya amar u heystaan iney shaqo ka qabtaan dhinacyadaas, haddeysan ka faa’iideysan baaq uu u diray oo ah iney faraha kala baxaan xumaanta iyo dhibaatada xarkaha goosatay ee ay ku hayaan bulshada caasimadda.
Sheekh Abuu Muscab ayaa qeybaha dambe ee shirka jaraa’id sheegay in Mujaahidiintu ay u taagan yihiin ilaalinta diinta, nafta, maalka, caqliga iyo nasliga, wuxuuna hoosta ka xarriiqay iney tallaab sharciga waafaqsan ku qaadayaan intaas ciddii ku xad gudubta.
Xarakada Al-Shabaab ayaa marar badan oo hore wax ka qabatay dhibaatooyin ay kasoo cawdeen bulshada Muqdisho taasoo ay wax ka qaban weysay DF mararka qaarna iyada qudheeda qeyb ka ahayd dhibaatooyinkaas.