Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhalatay toogasho wadareed ka dhacday gudaha Jaamacad ku taalla waqooyiga dalka Mareykanka sida ay ku warameen mas’uuliyiinta dalkaasi.
Wararka ka imaanaya gobolka Mishiigan ayaa sheegaya in nin hubeysan uu rasaas ku furay xarunta ugu weyn ee Jaamacadda Michigan State University, isagoo halkaas dhimasho iyo dhaawac ugu geystay 8 ruux, hor inta aan la helin saacado kadib meydkiisa.
Chris Rozman, oo ah ku xigeenka taliyaha booliska jaamacadda ayaa shir jaraa,id ku sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen saddex, halka ay ku dhaawacmeen 5 kalena oo qaar ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis, kuwaas oo loo qaaday isbitaalka.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in dadka ku dhaawacmay weerarka toogashada ah ay gaarayaan 10 ruux, hase ahaatee ma jirto il rasmi ah oo xaqiijiyay wararkaasi.
Ruuxii geystay toogashada ayaa ku dhintay israsaaseyn dhexmartay isaga iyo Booliska, waxaana sida la sheegay socda baaritaan la xiriira cida uu ahaa ninkaas iyo sababta ku kaliftay weerarka.