Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidanka maamulka Puntland lagu gaarsiiyay qarax culus oo maanta ka dhacay gobolka Bari ee dhaca waqooyi bari dalka Soomaaliya.
Wararka naga soo gaara magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaya in guutada qaraxyada Xarakada Al-Shabaab ay qarax culus la beegsatay gaari ciidan oo ay wateen askar Puntland ah, kaas oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaan oo si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeeysa magaalada Boosaaso iyo degaanka Sugurre ayaa burburiyay gaari C/bile ah oo uu haleelay.
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo iminka waxaa qaraxaasi ku naf waayay ugu yaraan 2 askari oo katirsanaa ciidanka Puntland halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale Isla gobolka Bari waxay ciidamada Mujaahidiinta xalay weerar isugu jira duqeyn iyo mid toos ah ku qaadeen kontarolka magaalada Boosaaso, halkaasi oo fariisin u ah askarta Puntland, waxaana jira khasaare gaaray askartii ku sugayd goobta la weeraray.