Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa fiidkii waxay weerar Jid-gal ah u dhigeen askar katirsan maamulka Jubbaland oo ku socdaalayay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Werarka dhabba-gal oo si gaar ah kaga dhacay agaagaarka degaanka Birta Dheer ayaa Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay 6 askari oo ka tirsanaa ciidamadii kamiinka ku dhacay.
Meydadka 2 kamid ah askartii kamiinka lagu dilay ayay ciidamada Jubbaland uga carareen goobta weerarka lagu beegsaday.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ayaa kamiinka ku soo furtay qori PKM ah iyo agab kale oo military.