HomeAll news5 Ka Tirsan Ciidanka DF Oo Lagu Dilay Kamiin Ka Dhacay Gobolka...

5 Ka Tirsan Ciidanka DF Oo Lagu Dilay Kamiin Ka Dhacay Gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah udhigay ciidamo katirdan kuwa dowladda Federalka oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha dhexe.

Kamiinka oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa si gaar ah kaga dhacay duleedka degaanka Ceel Cali Axmed ee gobolkaasi.

Ugu yaraan 5 askari ayaa laxaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, ciidamada Mujaahidiinta ayaana gacanta ku dhigay 1 qori PKM ah oo ay wateen askarta DF.

Deegaanka Ceel Cali Axmed ayaa dhaca sedax xagal xuduudeedka ay wadaagaan gobollada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Galgaduud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular