Tan iyo shalay saacadba saacadda ka dambeysa waa sii kordhayay khasaaraaha nafeed ee dhashay qarax culus oo shalay dugurkii ka dhacay Masjid ku yaalla gudaha saldhiga Booliska ee magaalada Peshawar ee dhacda waqooyi-galbeed dalka Pakistan.
Warbaahinta ku hadasha Afka xukuumadda Islamabad ayaa ku warantay in tirada dadkii ku dhintay qaraxaasi ay gaartay 90 ruux, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 200 oo kale.
Mas’uul maxalli ah oo la hadalay wakaaladaha wararka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in tirada dadka dhintay ay gaartay 93 ruux halka dhaawacyaduna sii caga-cageynayaan 221 qof oo tabanaan kamid ah ay qabaan dhaawacyo daran.
Dowladda dalka Pakistan ayaa masuuliyada qaraxa ku eedaysay Xarakada Daalibaan Pakistaan, balse Xarakadu way iska fageysay ku lug lahaashiyaha weerarkaan dadka badani ku le’deen.