HomeAll newsMudaharaad Looga Soo Horjeedo Jubbaland oo Ka Dhacay Garbahaarey.

Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Jubbaland oo Ka Dhacay Garbahaarey.

Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay mudaharaad looga soo hor jeedo maamulka Jubbalad gaar ahaan Axmad Madoobe.

Dibadbaxa oo ay soo qabanqaabiyeen rag siyaasiyiin ah oo qaarkood kamid yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa si gaar ah loogu dhaliilay go’aan la sheegay in Xassan Sheekh uu ku gaaray in Gedo la hoos geeyo Axmad Madoobe.

Dadka isku-soo-baxa ka hadlay ayaa waxay muujiyeen in aysan marnaba raali ka ahayn in la hoos geeyo maamulka Axmad Madoobe. Gedo waxaa ku daatay dhiig badan muddo dhowr jeer ah kadib markii uu hogaamiyaha Jubbaland isku dayay inuu maquuniyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular