Diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee dowlada Mareykanka ayaa galinkii dambe ee maanta deegaanka Quracley ee hoostaga degmada Jalalalaqsi ee gobalka Hiiraan ku duqeysay dad shacab ah oo isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato.
7 wiil dhalinyaro ah oo ay ku jiraan 4 wiil oo isla dhalatay oo geed hoostiisa ku wada sheekeysanayay ayey diyaarada Gantaal ku dhufatay gabi ahaan todobada wiil isla goobta ayey ku dhinteen.
Wiilasha diyaadaha Mareykanka duqeynta ku dileen ayaa xilligaas kasoo laabtay beero iyo xoolo daajis oo saaka ay ku kalaheen iyagoo daalan ayey geedka hoos fadhiisteen si ay ugu nastaan uguna sheekeystaan.
Goordhaw filo magacyada iyo sawirada wiilasha shacabka ah ee diyaaradaha Mareykanka duqeynta ku dileen.