HomeAll newsSaraakiil KaTirsan Bankaraf oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Sh/dhexe.

Saraakiil KaTirsan Bankaraf oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Sh/dhexe.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay degmada Towfiiq (Cali Gaduud) halkaasoo lagu beegsaday askar ka tirsan kuwa uu Mareykanku tababartay ee loo yaqaano Bankaraf ama Danab.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhintay 5 askari halka 5 kale ay ku dhaawacmeen. Halka rasimiga ah ee uu qaruxu ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Juxaay oo ah duleedka Cali Gaduud.

Ilo wareedyo ayaan kasoo xiganay in saraakiishii lagu dilay qaraxii shalay ay kamid ahaayeen Kabtan Mursal Ciise oo ahaa sarkaal tababar kusoo qaatay dalka Mareykanka iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Naasir.

Dowladaha shisheeye ee uu Mareykanku u horreeyo ayaa isku dayaya iney hogaamiye kooxeedyo cusub ka sameystaan Soomaaliya maadaama kuwii hore ay noqdeen wax dhintay iyo kuwa hawlgab noqday oo waayeel ah, waxaana dagaalada dhacaya si joogto ah ugu dhammaanaya ciidamada ay shisheeyuhu tababarteen.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Nin gumayste kaalmeeya oo gayiga iibgeeya
    Jawaasiisay gaaladu qortoo gadaya ciideena
    Godka lagu cadaab waa inaad gawrac marisaan
    Gam kasiiya gooriyo ayaan gabe dan toodiiye
    Garac iyo khaniis baa watiyo gaal shisheeyaahe
    Guboo olosha oo gawracoo guud ahaan laaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular