HomeAll newsISU EKAA MACNUHU!!! Maqaal Uu Dr Garyare Ka Qoray Dagaalka Hadda Soomaaliya...

ISU EKAA MACNUHU!!! Maqaal Uu Dr Garyare Ka Qoray Dagaalka Hadda Soomaaliya Ka Socda.

Ka dib markii uu Mareykanka iyo xulufadiisu ay ku duuleen dallka Afgaanistaan, dumiyeenna nidaamkii Islaamiga ahaa ee Daalibaan hoggaanka u hayey muddo ku siman 20 sanadood, ayaa ugu dambayntii ku soo dhammaaday in Maraykan iyo huwantii la socotayba ay dabada jeediyaan oo isaga baxaan dalka Afgaanistaan.

Taas ayaa loo sababaynayaa fashil iyo ceeb ka raacday duullaankii qaawanaa ee uu ku qaaday dawladdii Islaamiga ahayd. Muddo ka hor inta aysan bixin ciidammadii huwantu waxa ay tijaabiyeen awooddii dawladda iyaga oo dhegta ugu riday in ay iska celiyaan Daalibaanka, maaddaama ay iyagu dawlad yihiin, waxa ayna abaabuleen maleeshiyaad qabali ah oo loogu magac daray “saxwaad” ugu dambayntiina cagta la mariyey.

Siyaasadda looga dan lahaa waxa ay ahayd in la fashiliyo nidaamkii ay iyagu soo dhiseen, lana tuso in aysan iska caabbin karin Daalibaan, guuldarraduna ka timi xagga dawladda, si aan loo ceebeyn ciidammada huwanta oo iyagu dagaalka ku jabay, kuna fashilmay duullaankii qaawanaa ee ay Afgaanistaan ku qaadeen, eeddana loo saaro dawladda. Ugu dambayntii dawladdii oo eddii la saaray ayaa ciidammadii huwantu ka baxeen dalka iyaga oo aan wax digniin ah siin jaallayaashood.

Haddaba xaaladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid taas la mid ah, oo Xassan Sheekh waxa dhegta loogu riday in uu dagaal ku qaado Al-shabaab oo ay muuqato in ciidammadii Atmis ay u caalwaayeen, waxaana sidii Afgaanistaan la abaabulay maleeshiyaad la mid ah kuwii Afgaanistaan laga abaabulay, loona bixiyey “macawisley”, waxaana muuqata in ay maalin walba la kulmaan dhib aad u culus oo horjoogayaashii la ugaarsanayo ama goobaha dagaalka lagu dilayo.

Si la mid ah tii Afgaanistaan ayaa la doonayo in dawladda Xasan Sheekh loogu eedeeyo guuldarrooyinka ay la kulmeen ciidammada Atmisna isaga iyo kooxdiisana dusha loo saaro, dabadeedna maalin cad laga dhaqaajiyo. Taasi waa dhaqanka soo duulayaasha marka ay ku fashilmaan dal ay ku duuleen.

Waxa jirta murti oranaysa “Sooyaalku (taariikhdu) iyada ayaa isa soo celcelisa”, wixii ka dhacay dalal badan oo lagu duulay, ciidammo shisheeye ahna loo adeegsaday ha ahaadaan kuwo Muslimiin ah ama kuwa aan Muslimiin ahaynba sida Vietnam oo kale oo aan iyagu Muslimiin ahayn, ugu dambayntii waa laga caga laabtay, waxaana dalkii u haray oo guushii qaatay kuwii ka hor yimi duullaankaas, sooyaalka qoran ama casriga ah kuma hayno nidaam ay taageereen ama dhiseen soo duulayaashu in uu dalkii hantiyo, dawlad iyo nidaamna ka dhiso.

Marka waxa aan oran lahaa wixii dhacay wax ha lagu qaato yaan la noqon kuwii ilooba wixii shalay dunida ka dhacay. Wixii Soomaali dhexdeeda ah in wanaag iyo is afgarad lagu xalliyo ayaa ka habboon qaabka hadda wax u socdaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular