Ugu yaraan 15 ruux oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhaawacmay magaalada Jorhat ee gobolka Assam ee dhaca waqooyi bari dalka Hindiya, kadib markii uu soo weeraray Shabeel baxsad ah.
Shabeelka oo ahaa mid halis ah ayaa sida la sheegay wuxuu ka soo baxsaday goobta lagu xanaaneeyo duur-joogta ee Gibbon oo u dhaw dhismaha machadka cilmi-baarista ee Rainforest, waxaana dadkaasi loo qaaday isbitaalka si loogu dabiibo.
Afhayeenka u hadalay Isbitaalka, oo sharaxaad ka bixisay dhacdadaan ayaa sheegay in dad dhaawaca ah qaar ka mid ah ay heleen daweyntii loo baahnaa oo ay ka gudbeen halistii, balse dhaawacyo kale ay weli ku jiraan xaalado adag.
Saraakiisha waaxda kaymaha ayaa sheegay in Shabeelka uu ka soo baxay goobta lagu xanaaneeyo duur-joogta ee Gibbon oo u dhaw xarunta jaamacadda isaga oo baahan islamarkaana raadinaya wax uu cunto.
Wakiilka maamulka magaalada Jorhat ayaa sheegay in Shabeelku uu weerar ku qaaday shacabka ku dhaqan magaalada iyo tuulooyinka u dhow oo ay ku hareeraysan yihiin beero caleenta shaaha lagu beero n, taasoo keentay in dad badan uu dhibaado gaarsiiyo.
Maamulka ayaa kula taliyay dadka deegaanka inaysan ka bixin guryahooda ilaa laga soo qabto shabeelkaan dilaaga ah.