Guutada Qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta gobolka Sh/hoose ku beegsaday gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Atmis.
Gaariga oo noociisu ahaa Taw ahaa waxaa lala beegsaday qarax culus kaas oo sababay inuu gaarigu burburo, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii saarnayd.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilowareedyo lagu kalsoon yahay waxaa goobta ku dhintay 3 askari waxaana ku dhaawacmay 6 kale. Ciidanka Atmis ee la socday gaadiidkii kale aya auruuriyay meydadka iyo dhaawacyada saaxiibadood, waxaana ay goobta uga tageen qalfoofta gaariga qaraxa lala beegsaday.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaaday usbuucan qaar kamid ah fariisimayaasha ciidamada shisheeye ee gobolka Sh/hoose.