HomeAll newsCiidamo Ka Tirsan Jubbaland oo Dhexdooda Ku Dagaalamay Gedo.

Ciidamo Ka Tirsan Jubbaland oo Dhexdooda Ku Dagaalamay Gedo.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ay ku dagaalameen degmada Ceelwaaq halkaasoo ay khasaare kala duwan isugu geysteen.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhashay lacago ay qeybsanayeen saraakiisha ugu sarreysa maamulka oo lagu sheegay iney ahayd lacagtii mushaarka oo kasoo daahday. Sarkaal lagu magacaabo Raamboow oo heysta koox ciidamo ah ayaa weeraray halkii lacagta lagu qeybsanayay maadaama aan isaga looga yeerin.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa dagaalkan ku geeriyooday taliyaal ciidan oo ka kala tirsan labada dhinac ee uu dagaalku dhex maray iyo askar. Taliyaasha geeriyooday waxaa kamid ah Raambow oo ah ninkii weerarka qaaday halka dhinaca kale uu geeriyooda Canjeex oo ka tirsanaa saraakiisha Jubbaland.

Ciidamada Kenya oo heysta degmada Ceelwaaq ayaanan marnaba isku dayin iney kala dhex galaan ciidamada Jubbaland ee dagaalamayay. Ceelwaaq ayaa waxay tahay degmada Kaliya ee Gedo ka tirsan oo ay joogaan ciidamo u daacad ah Axmad Madoobe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular