Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor dhow war kasoo saaray dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay degaanka Qaayib oo qiyaastii 40km u jira degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa saxaafadda si horudhac ah ugu sheegay in saaka ay ciidankoodu cagta mariyeen askartii DF ee halkaasi ku sugnaa kana dhigay wax dhintay iyo wax cararay, sidoo kalana ay kasoo furteen gaadiid iyo saanad.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Isniin ah weerar qorshaysan ku qaadeen cadawga ku sugan deegaanka Qaayib ee wilaayada Galguduud. Camaliyad Ishtish-haadi ah ayuu weerarku ku billawday, kadib waxaa xigay ciidanka Mujaahidiinta oo dhawr jiho ka weeraray cadawga. Dagaal kooban kadib waxaan Allaah fadligiis gacanta ku dhignay deegaanka Qaayib”. sidaasi waxaa yiri Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Abuu Muscab.
Isagoo faahfaahinaya khasaaraha weerarka ayaa waxa uu yiri: “Khasaaraha dhimasho ee cadawga soo gaaray inta aan ilaa hada xaqiijinay waa 37 dhimasho ah, waxaa kamid ah 3 sargaal. Waxaan sidoo kale gacanta ku dhignay hub iyo saanad ciidan oo xoogan, oo ay ku jiraan gaadiid ay saaran yihiin qoryaha culculus. Guud ahaan gaadiidka ciidan ee aan ku qabsanay ama gubnay waa 9 gaari. Wixii tafaasiil dheeri ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha’Allaah”
Dowladda federaalka ayaa dhankeeda qirtay in saaka dagaal culus lagu soo kadiyay ciidamadeedii ku sugnaa degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud iyadoo ka gaabsatay khasaaraha baaxadda leh ee halkaasi ku gaaray.