Degmada Wabxo ayaa xasiiloon kadib markii laga saaray ciidamadii DF iyo kuwii maryooleyda ahaa ee la socday, waxaana ay durbadiiba bulshadu billaabeen dhaqdhaqaaq ay ugu soo laabanayaan magaalada si ay guryahooda u dagaan.
Reer Wabxo ayaa dhammaan degmada isaga hayaamay markii ay ciidamada DF kusoo duuleen arrintaas oo DF u muujisay inaan laga rabin Wabxo, ciidamadii dowladda ayaa iyagoo niyad jabsan isaga cararay Wabxo.
Intaa waxaa dheer in ciidamada DF ay dagaallo ku qabsadeen Wabxo iyo nawaaxigeeda khasaare kala duwanna lagu gaarsiiyay.