HomeAll newsMid Kamid Ah Ciidanka Yuhuudda Oo Si Xun Loogu Dhaawacay Weerar Gaari...

Mid Kamid Ah Ciidanka Yuhuudda Oo Si Xun Loogu Dhaawacay Weerar Gaari Jiirsiin Ah.

Wararka naga soo gaaraya dhulka Falastiin ee ku hoos jira gumeysiga Maamulka Yuhuudda ayaa ku waramaya in goor dhow halkaas uu ka dhacay weerar kaligii duulmino ah oo lagu dhaawacay haweenay katirsan ciidanka maamulka Yahuudda.

Wiil dhalinyaro Falastiini ah oo ka xeynayay gaari nuuca raaxada ah ayaa dulmariyay askariyadan Yahuudda ah xili ay mareysay wadada 60-aad ee ku taalla deegaan dhaca bariga magaalada Ramallah, ee Daanta Galbeed.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internet-ka ayaa lagu arkayay gaari madow oo nuuca raaxada ah oo dulmaraya askariyadaan oo garwaaxsan qorigii ay ku hawlgalaysay.

Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay in xaaladda caafimaad ee haweeneydaan ay tahay mid aad u liidato, sababo la xiriira dhaawaca oo ka soo gaaray madaxa, waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla magaaladaas.

Sida ay wararku tilmaamayaan fuliyihii weerarkaan gaari jiirsiinta ah ayaa shahiiday kadib markii ay rasaas ku fureen askar goobta ka ag dhaweyd.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular