HomeAll newsDEDEG: Ciidanka Al-Shabaab oo Saaka Cagta Mariyay Xeradii Astarka DF Ee Degaanka...

DEDEG: Ciidanka Al-Shabaab oo Saaka Cagta Mariyay Xeradii Astarka DF Ee Degaanka Qaayib.

Warar horudhac ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo ay saaka ciidamada Xarakada Al-Shabaab kula jarmaadeen degaanka Qeycad oo degmada baxdo qiyaasyii 40km koofur kaga beegan.

Wararka naga soo gaaraya Qeycad ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Al-Shabaab ay mar qura weerar ku ekeeyeen xeradii ay ciidankii dowladda ka deganaayeen halkaas.

Xogo horudhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta xerada iyo degaanka sidoo kalana hantiyeen gaadiid kala duwan oo ay lahayd DF iyo saanad milatari.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, goobta waxaa ku sugan ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xaaladduna waa ay deggan tahay maadaama dagaalka muddo hore lagu kala baxay, wixii kusoo kordhana halkan inagala soco insha’allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular