Weerar loo adeegsaday qarax ayaa saaka ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaasoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa DF.
Ciidamada la qarxiyay oo ahaa kuwa uu Turkigu tababartay ee loo yaqaano Gorgor ayaa waxay dhimashadoodu timid kadib markii uu qarax culus haleelay gaari weyn oo ay saarnaayeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen meydadka 9 askari oo daadsan halka uu qaruxu ka dhacay, sidoo kale ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in goobta laga qaaday dhaawacyada 14 askari oo 7 kamid ah xaaladoodu aad u liidato.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maalin walba beegsanaysa DF waxaana isbitaalada dowladda ee Muqdisho buux dhaafiyay dhaawacyada ciidamadeeda soo gaaraya.
(Xanax)