Xarakada Al-Shabaab ayaa raashin ka qeybisay degaanka Moqokori ee wilaayada Hiiraan arrintan oo ay bulshadu aad usoo dhaweysay. Raashin qeybinta ayaa waxaa ka faa’iideystay 420 qoys oo kamid ah dadka ku dhaqan degmada Moqokori ee bariga Wilaayada Hiiraan kuwaasoo kamid ah bulshada ay abaaruhu saameeyeen.
Masuuliyiin ay kamid yihiin Waaliga Wilaayada Hiiraan Sheekh Guuleed Abu Nabhaan, Nabadoonka Beesha Xawaadle Nabadoon Cabdi Raxmaan Xiirey iyo Nabadoonka Jufada Xassan Muuse, Nabadoon Muumin Maxamed Qooreey ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadii raashinka loogu qaybinayay dadka danyarta ah ee degmada Moqokori.
Hoos ka daawo sawirrada