Waxaa lagaa deyrinayaa xaaladda Maxamad Cusmaan Jawaari kaasoo caafimaad ahaan loo geeyay wadanka Turkiga kadib xanuuno uu la il darnaa waayihii lasoo dhaafay.
Wiil uu dhalay Jawaari ayaa saxaafadda u xaqiijiyay xanuunkiisa isagoo beeniyay warar sheegayay inuu dhintay.
Wuxuu heystaa dhalashada dalka Norwey, wuxuu kasoo mid noqday gudigii sameynta dastuurka ay DF haatan ku dhaqmeyso kadibna waxa uu noqday gudoomiyihii Baarlamaanka.
Shalay ayay ahayd markii uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Afaraale oo kamid ahaa baarlamaanka DF Xassan Sheekh, waxaana jira xildhibaano badan oo la ildaran xanuunada macaanka iyo dhiig karka.