HomeAll newsAskari Ugandeys ah Oo Meydkiisa Laga Helay Duleedka Magaalada Baraawe.

Askari Ugandeys ah Oo Meydkiisa Laga Helay Duleedka Magaalada Baraawe.

Meydka Askari katirsan Ciidamada Ugandha oo laga helay duleedka Baraawe iyo Xog cusub oo laga helayo Askar kale oo katirsanaa shisheeyaha oo ku naf waayay gudaha degmada Baraawe.

Warar cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in Askar ka luntay Ciidamada Ugandha ee ku sugan degmada Baraawe ay gaarayeen 2 askari, islamarkaana la helay meydka mid kamid ah Askartaasi oo laga soo saaray meel duur ah oo aan ka fogeyn mid kamid ah xerooyinka ay ciidamada ugaandha ku leeyihiin duleedka Baraawe .

Askariga kale ee wali ka maqan ciidamada ugandha ayaa la sheegay in isaga iyo saaxibkiisa dhintay ay u baxeen, iney soo ugaarsadaan xayawaanka doofaarka oo muslimiinta alle uu ka xaaraantinimeeyey iney cunaan hilibkiisa, waxayna Askartaasi ka tageen sida aan xogta ku heleyno fariisin ay ka sameysteen tuulada Ambareeso, oo 5 KM u jirta degmada Baraawe ee shabeellaha Hoose.

Sidoo kale warar aan ka helnay gudaha degmada Baraawe ayaa sheegaya, in 3 askari oo katirsan Ciidamada ugandha ay dhinteen xilli ay ku dabaalanayeen Badda, waxayna arrintaani ay dhacday isniintii lasoo dhaafay sida uu inoo sheegay qof ku sugan Baraawe.

Tirada askarta ee ka dhimatay ciidanka shisheeyaha ee xooga ku heysta degmada Baraawe iyo kuwa nolol iyo geeri lagu la’yahay marka la isku daro waxay gaareysaa 5 askari.
4 kamid ah Askartaasi ayaa dhintay halka Askari kalana la la’yaha nolol iyo geeri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular