Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraarkii kasoo baxay Valadamir Putin Madaxweynaha dalka Ruushka waxa uu dalkiisa galay xaalad aan xassilooneyn, iyadoona dadka Ruushiyaanka ah iyo kuwa aan dalkaas u dhalan ee ku nool Ruushka ay billaabeen iney isaga qaxaan dalka, si ay uga baaqsadaan in lagu huriyo colaadda aan dhammaadka laheyn ee ay xukuumadda Moscow ka wado dalka Ukraine.
Qaraarka Putin ayaa saameeyay dhammaan dadka ku nool Ruushka jinsiyadey doonaanba ha wataane, waxaana inta badan la joojiyay duulimaadyadii ka bixi jiray dalkaas, ciddii diidda amarka Madaxweynaha ayaana la kulmeysan cawaaqib ay kamid tahay in jeelka loo dhaadhiciyo, ku dhawaad 2,000 oo ruux oo kasoo hor jeestay go’aanka Madaxweynaha ayaana haatan ku xiran xabsiyada ku yaalla Ruuhska.
Dadka ay saameysay arrintaan ayaa waxaa kamid ah Yuhuudda ku nool Ruuhska, kuwaas oo billaabay iney isaga guuraan dalkaas, iyagoona u arka fursad hor leh oo ay kaga faa’iideysanayaan sidii ay ku heli lahaayeen guryo diyaarsan oo laga barakiyay dadka Muslimiinta ah ee reer Filastiin.
Maamulka Yuhuudda ayaa mar kale u deg degaya inuu ka faa’iideysato fursaddaan, si Yuhuud laga soo rarayo Ruushka iyo Yurub loo soo dajiyo dhulalka Muslimiinta ah ee Filastiin, ku dhawaaqistii Putin ee ku aaddaneed in heegan la galiyay dalkiisa ayaana sabab u noqotay, in dib loo dhigo Yuhuuddii ka bixi laheyd magaalada Moscow ee ku wajahneyd Magaalada Tel Aviiv ee ay caasimadda ka dhigteen Yuhuudda.
Sababo ku aaddan dhibaatooyin ay la kulmeyso wakaaladda Yuhuudda ee Ruushka, iyo eedeymo uga yimid Wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Moscow, ayuu Maamulka Yuhuudda billaabey inuu qariyo tirada rasmiga ah ee Yuhuudda laga soo raray dalkaaan, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu billawday duullaanka Ruushka ee Ukraine, 24-kii bishii Febraayo ee sannadkaan, halka qiyaasaadka guddiga Yurub ay muujinayaan in nus milyan Yuhuudda Ruushkiyaanka ah ay ka tageen dalkaas tan iyo duulaankii Ukraine.
Iyadoo ay taasi jirto ayuu kayaanka Sahyuuniga ah sheegayaa in tan iyo billawga dagaalka Ukraine dalka Ruushka laga soo raray 25-kun oo Yuhuudda Ruushka joogta kamid ah, 3-da bilood ee soo socota ayuuna maamulku sheegay in Magaalada Moscow laga soo saari doono ugu yaraan 5 kun oo Yuhuud ah, waxaana tirakoobkaan faafisay Wasaaradda Socdaalka iyo dib udajinta ee Maamulka Yuhuudda.
Maalmo kadib markii uu Putin ku dhawaaqay heeganka la galinayo kumannaan askari oo kamid ah ciidanka si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka holcaya dalka Ukraine, ayuu uu Maamulka Yuhuudda billaabay mowjado safarro ah oo lagu rararyo Yuhuudda Ruushka, isagoo ku andacoonaya qatarta soo waji karta noloshooda, iyo rabitaankooda ku aaddan iney ka baxsadaan askareynta qasabka ah ee ay billawday xukuumadda Mosow.
Wargeyska Hartis ee ay Yuhuuddu leeyihiin ayaa sheegaya, iyo tan iyo heeganka kadib ay sare u kacday tirada dadka Yuhuudda ah ee dalbanaya iney kasoo baxaan Ruushka, taas oo nisbo ahaan gaartay 40%, tiradoona ay kor u dhaafeyso 40-kun oo kamid ah Yuhuudda ku nool Ruushka, halka 200,000 oo Yuhuudda Ukraine ahna ay buuxiyeen shuruudihii dib usoo laabashada.
Sida uu baahiyay wargeyska Hartis, waxaa tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ukraine illaa bishaan aan ku guda jirno ee September uu Kayaanka Sahyuuniga ah soo raray ku dhawaad 60-kun oo Yuhuud ah, kuwaas oo intooda badan ka yimid Ruushka, tiradaas oo ahayd middii ugu badneyd labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Balse sida ay tilmaamayaan warbixinnada Yuhuudda, mowjadaha safarada ee hadda la filayo iney ka yimaadaan dhanka Ruushka ayaa ah kuwa ay ku hareysan yihiin caqabado waaweyn, Maadaama ragga ay da’doodu u dhexeyso 18 illaa 60-ka sano loo diiday iney dalka ka baxaan, islamarkaana dibadda u safraan.
Sidoo kale waxaa si aan horay loo arag cirka isugu shareeray sicirka safaradii dhanka hawada ahaa ee ka bixi jiray Ruushka, islamarkaana aadi jiray dhulka uu xoogga ku heysto Maamulka Yuhuudda, maadaama qarashka ku baxaya halkii qoys ee Yuhuud ah uu kor udhaafayo 13-kun oo dollarka Mareykanka ah.
Xilli uu jiro diyaar garowga ku aaddan hirarkaan saffarada ah ee ay sameynayaan Yuhuudda ku sugan Ruushka, ayaa waxaa socda doodo adag oo u dhexeeya wasaaradaha Maamulka Yuhuudda ee ay quseyso arrintaan, waxaana kamid ah wasaaradda socdaalka, tan Maaliyadda, iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Maamulka Yuhuudda, oo ay soo raacaan wakaaladaha iyo hey’aadka ku shaqada leh arrimahaan, kuwaas oo xal u raadinaya sidii lagu maareyn lahaa Yuhuudda soo qaxeysa.
Yair Lapid oo ah Ra’iisal Wasaaraha Maamulka Yuhuudda ayaa soo saaray awaamiir ku wajahan dhammaan wasaaradaha kala duwan ee Maamulkiisa, kuwaas oo ku aaddan sidii loo qorsheyn lahaa, islamarkaana loo meel marin lahaa miisaaniyad loogu tala galay dib u dajinta dadka Yuhuudda ah ee ka imaanaya Ruushka iyo Ukraine.
Sidoo kale waxa uu Ra’iisal Wasaaraha Maamulka Yuhuudda la hadlay madaxa fulinta ee sharikadda “Il-Caal” kaas oo uu ku wargaliyay isku xirka sharikadaha duulimaadyada, si ay u qaabilaan Yuhuudda cusub ee ka imaaneysa dibadda, si gaar ahna kuwa kasoo qaxaya dalka Ruushka.
Haddaan unimaadno xaaladda ay ku sugan yihiin Yuhuudda ku sugan gudaha Ruushka, 300 ee kun ee uu Madaxweynaha Ruushka sheegay in heeganka la galinayo waxaa kamid ah Yuhuud heysata dhalashada Ruushka, baadariyaasha ugu waaweyn ee Yuhuudda kuna sugan magaalada Mosow ayaana soo jeedinaya, in qof waliba oo Yuhuud ah una suuragali karto inuu dalka isaga baxo uu qaato tallaabadaas.
Baadari Yuhuudi ah oo ku sugan Magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka ayaa wareysi uu siiyay telefishinka “Kaan” ee ay Yuhuuddu leedahay ku sheegay, in xaaladda Ruushka kadib qaraarkii Putin uu ka dhawaajiyay ay tahay mid maalinba maalinta ka dambeysa kasii dareysa, sidaasi awgeed ruux waiba oo Yuhuud ah una suuragali karto inuu dalka isaga baxo waa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u qaadaa n tallaabadaas ayuu sii raaciyay hadaliiisa.
Baadarigaan ayaa sheegaya in xaaladda Moscow ay iska aheyd mid degan, tan iyo wixii ka horreeyay iclaamintii Putin, balse go’aankiisa kadib ayuu sheegay in magaalada ay lasoo daristay xaalad rucbi iyo argagax daran ah, taas oo si gaar ah u saameysay dhalinyarada laga hor joogsaday iney dalka ka baxaan, isagoona intaa ku daray, in ciidamada heeganka la galiyay ay ku jiraan Yuhuud heysata jinsiyadda Ruushka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “waxaa halkaan oo ah caasimadda Ruushka ku sugan 40-kun oo Yuhuud ah, kuwaas oo loo ogalaaday iney dalka ka baxaan, waxayna hor tuban yihiin safaaradda Tel-Aviv ay ku leedahay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, sidoo kale qaanuunka dib ulaashabada waxa uu fasax siinayaa 170-kun oo Yuhuud ah” ayuu yiri baadarigaan ku sugan caasimadda Ruuhska.
Waxa uu muujiyay walaaciisa ku aaddan in dadka Yuhuudda ah ay ciidamada Ruushka kala kulmaan carqaldeyn xooggan, maadaama ay azmad ka taagan tahay howlohii wakaaladda Yuhuudda ee Ruushka, sababo ku aaddan iyadoo eedeymo kala kulantay wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Moscow.
Sida ay muujinayaan taqaariirta ay baahineyso warbaahinta Sahyuuniyadda, kumannaan ruux oo Yuhuud ah ayaa ku sugan magaalada Moscow, kuwaas oo doonaya iney dib ugu laantaan magaalada Tel-Aviv, xilli lawada ogyahay in sharikadda “Il-Caal” oo kamid ah sharikadaha duulimaadyada caalamiga ah ay si aan kala joogsi laheyn u daabuleyso Yuhuudda ku sugan Ruuhska iyo Ukraine.
Arrinta kale ee layaabka leh waxa ay tahay, inuu jiro khilaaf iyo muran xooggan oo ka dhexeeya wasaaradaha Maamulka Yuhuudda, kuwaas oo ka doodaya halkii la geyn lahaa dadkaan Yuhuudda ah, maadaama aanan loo heyn guryo ay dagaan, Yuhuudda xoogga ku heysata dhulalka Muslimiintana ay iyagiiba heysato xaalad adag, wasiirka wasaaradda socdaalka iyo dib udajimta ee Maamulka Yuhuudda ayaana sheegay in tani ay tahay cabaqad hor leh.
Marka laga yimaado walaaca heysta Yuhuudda, tani ayaa sidoo kale hor seedi karta inuu khilaaf soo kala dhex galo Yuhuudda iyo dowladda Ruushka, maadaama xukuumadda Moscow ay dooneyso in aan dalka laga bixin, dagaalkana si wadir ah loo waajaho, Yuhuuddana dhankeeda ay rabto in dadkeeda ay kala soo baxdo dalkaas.
Yahuud badan oo horey uga timid Ruushka ayaa kunool dhulka Filastiin ee kujira gumeysiga maamulka Yahuudda, waxaana taasi ay fududeyneysaa in Yahuudda ka imaanaya Ruushka iyo Ukraine ay si fudud ugu dhexgalaan mujtamaca Yahuuda ee xooga ku jooga Filastiin, maadaama luuqadda Ruushka ay tahay luuqadda labaad, cirbiyada kadib ee ay ku hadlaan Yahuuda xooga lagu dejiyay dhulka muslimka ah ee Filastiin.
Markii uu burburey midowga Soofiyeet, kadib kasoo bixitaankii dalka Afqaanistaan, waxa uu maamulka Yahuudda ku guuleystay in dhulka Filastiin uu ku deegaameeyo hal malyan oo ruux oo Yahuud ah, kuwaasoo maanta qaarkood ay xilal sare ka hayaan maamulka Yahuudda.
Culimada muslimiinta iyo hogaamiyaasha Jihaadka ayaa tilmaamaya in Jihaadka iyo wax iska dhicinta ay tahay wasiilada keliya ee lagu soo ceshan karo dhamaan dhulalka muslimiinta ee la boobay, oo ay ugu horeeyaan dhulka Filastiin ee uu ku yaalo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, oo ah halkii loo dheelmiyay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, markii uu aadayay safarkii uu ku tagay todobada samo, laguna soo waajib yeeley salaadaha shanta ah ee aynu maanta tukanno.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Yuhuudda ku sugan Ruushka oo Go’doon galay.