Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Mareykanka la galay heshiis qarsoodi ah oo ay kula baxayso shidaal badan oo ku jira badda Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxaa soo galay Xassan Sheekh iyo afar nin oo saaxiibo hoosaasyadiisa ah kuwaasoo ku wehlinayay safarkiisa Mareykanka, shaki badan ayaa dhashay markii uu ka tagay wasiirkiisii arrimaha dibadda oo ay ahayd in uu raaco.
Maamulka Puntland ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku caddeynayo in heshiiskaasi uusan sharci ahayn mar haddii aan si siman loo qeybsanayn dhaqaalaha lagu soo badasho.
Xassan Sheekh ayaan dhag jalaq u siin baaqaasi, laakin markii uu heshiiska dhammaaday ayaa wxuuu u yeeray wasiirka arrimaha dibadda oo Muqdisho joogay waxayna labadoodu ka qeyb gali doonaan shirka Qaramada Midoobay.
Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa Xassan Sheekh ku eedeeya marar badan inuu yahay nin dhaqaale doon ah islamarkaana aad ugu dheereeya musuqmaasuqa waxa ummadda ka dhaxeeya.