HomeAll newsXarumo Ganacsi oo Soomaali Leeyihiin oo Lagu Boobay Koofur Afrika.

Xarumo Ganacsi oo Soomaali Leeyihiin oo Lagu Boobay Koofur Afrika.

Wararka ka imaanaya wadanka Koofur Afrika ayaa sheegaya in dhac iyo boob loo geystay xarumo dhowr ah oo ay dad Soomaaliyeed leeyihiin kuwa yaalla wadankaas, kuwaasi oo laga dhacay hanti badan.

Xarumaha boobka loo geystay ayaa ku yaalla degmada Motherwell ee dalkaasi Koonfur Afrika. Intii ay burcaddu dhaca wadeen ayaa waxay dhaawaceen ganacsade Soomaali ah oo lagu Magacaabo Maxamed Maxmuud Cabdi Deyle oo ku magac dheer (Magnad).

Dad kale oo Soomaali ah oo goobta ka dhawaa ayaa dhaawaca ganacsadaha u qaaday isbitaalka Livingston halkaasoo haatan lagula tacaalayo. Kooxa burcadda ah ayaa xarumahan ka dhacay hanti u badan lacago kaash ah.

Sida caadiga ahba waxaa goobta soo gaaray ciidamo boolis ah oo sheegaya iney ammaanka sugayaan, saacado kooban ayay dadka su’aalo weydiinayeen kadibna saldhiggoodii ayay ku laabteen.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa joogto ka ah dilalka iyo dhaca loo geysto dadka Soomaalida ah, waxaana sannad walba wadankaasi lagu khaarajiyaan dad ku dhow boqol qof, mararka qaarna waxaa dhacda in ay tiradu boqol dhaafto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular