Gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya waxaa ka dhacay qaraxyo xooggan iyo weerar toos ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsadeen askar Keenyaan ah iyo qolyo ka shaqeeya kaawooyinka kuwaas oo ay soo kireystay xukuumadda Nairobi.
Habeenkii xalay waxay Mujaahidiinta qarax ka fuliyeen gudaha xero ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Sheykh Barrow oo hoostaga degmada Lafey ee gobalka Mandheera.
Qaraxa ayaa sababay inuu dumo qeybo kamid ah darbiga saldhigga, waxaana la rumeysan yahay in khasaare uu gaaray ciidaamada Kenya.
Intaasi kadib waxaa saakay kolonyo gurmad ah ay kasoo baxeen degmada Lafey, kuwaas oo soo aaday xerada uu qaraxu ka dhacay, waxayna ka koobnaayeen illaa 3 gaari oo kala ah Beebe, Kooyal iyo Motabiish.
Intii aysan soo gaarin xerada ayaa waxaa kolonyada qabsaday qarax xooggan, kaas oo ay Mujaahidiinta ugu sii diyaariyeen wadada, waxa uuna haleelay gaarigii Motabiishka ahaa.
Gaariga ayaa bool bool ukala faniiney, waxaana naloo xaqiijiyay inuusan jirin askari ka bad baaday qaraxaas.
Weerar kale ayay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen qolyo ay soo kireysatay dowladda Kenya, kuwaas oo ka shaqeeya dhagax jabinta.
Weerarkaan waxa uu ka dhacay duleedka degmada Taagaabo ee gobalka Mandheera, waxaana ku dhaawacmay mid kamid ah raggii halkaasi ku sugnaa, halka kuwii kalena ay kala firxadeen.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gabi ahaanba la wareegay xero ay ku sugnaayeen qolyaha la wareeray, waxayna sidoo kale soo furteen qalabkii ay ku shaqeynayeen.
Ugu dambeyn waxaa faahfaahin laga helayaa qarax todobaadyo ka hor ciidamo katirsan kuwa Kenya lagula beegsaday qeybo kamid ah isla gobalka Mandheera.
Askar Keenyaan ah ayaa arkay Miino ay Mujaahidiinta ku aaseen wadada, waxayna intaasi kadib u yeerteen in loo soo diro saraakiil miino-baarayaal ah.
Diyaarad helokobtar ah ayaa soo caga dhigatay goobta, taas oo ay saarnaayeen askar iyo saraakiil miina-barayaal ah oo doonayay iney wadada ka bixiyaan Miinada.
Mujaahidiinta oo dhaq dhaqaadooda la socday ayaa ku qarxiyay miinadii,, waxaana halkaasi ku dhintay 4 askari oo 2 kamid ah ay yihiin saraakiishii miina-baarayaasha ahaa.
Waxaa ina loo xaqiijiyay in khasaaraha ka dhashay qaraxaan uu intaasi ka badan yahay.