Kadib markii ay dowladda Ruushku xirtay dhuumihii Gaaska, waxay dowladaha reer Yurub aad u baadi goobayaan ilo cusub oo tamar ah si ay baahiyahooda kala duwan ugu dabooshaan, waxaana ay ku kala tartamayaan wadamada laga helo kheyraadkaas.
Shirkadda Total ee dalka Faransiiska ayaa dowladda Qadar la saxiixatay heshiis si degdeg ah loo galay kuna fadhiya adduun lacageed oo gaaraya $ 1.5 bilyan oo lagu soo saarayo gaaska dabiiciga ah.
Heshiiska ayaa dhigaya in shirkadda Total ay qaadato boqolkiiba 9 gaaska laga soo saarayo mashruuca North Field South ee Qadar, waxaana loo arkaa heshiis macquul ah. Shirkadaha shidaalka ayaa dalalka gumeysiga ku jira la gala wax heshiis loogu yeero iyagoo qaatay boqolkiiba 40 ama 50, waxaana kamid ah Soomaaliya.
Mashruucan isaga ah ayaa waxaa kusoo xoomay dalal badan oo reer galbeed ah oo maalgashi ismaqiiqid ah ku sameeyay, waxaana kamid ah shirkadda Conoco ee Mareykanka, ENI ee Talyaaniga iyo shirkadda Shell ee Ingiriiska.
Qadar ayaa waxaa ku jira shidaal aad u badan waxaana wadada kusoo jira dowlado kale oo doonaya iney kusoo biiraan mashaariicda ay uga faa’iideysanayaan kheyraadkaas, kuwaasoo ay kamid tahay dowladda Jarmalka.
Shirkadda Qatar Energy ayaa sheegtay in uu dalkeeda ku jiro %10 gaaska dabiiciga ah ee adduunka, gaaskaas ayaa isku xiran illaa badda Iiraan laakin Iiraan uma suura galin iney soo saarato sababo la xariira cunaqabateynta ay reer galbeedku kusoo rogeen.
Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada uu dhex ceegaago Gaaska dabiiciga ah sida lagu sheegay baartitaano dhowr jeer la sameeyay oo lagu ogaanayay arrintaas, waxaana laga helay badda iyo beriga intaba.
Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan dowladda Mareykanka lasoo galay heshii dhanka shidaalka badda ah, lamana faahfaahin dhaqaalaha ay dowladdiisu qaadanayso iyo xadiga gaaska uu Mareykanku qaadanayo, maalin kadib heshiiskana waxaa soo baxay in maamul goboleedyada qaar ay saluugeen maadaama aan loo sheegin waxa uga soo aadi kara.