Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta laba qarax oo khasaare lagu gaarsiiyay saraakiil iyo askar katirsan DF waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobollada Shabeellada Hoose iyo Galgaduud ee dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Qaraxa 1-aad ayaa ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose, kaas oo lala eegtay goob ay askar katirsan DF ku qayyilayeen, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaa qaraxan ku naf waayay sarkaal iyo askari lagu kala magacaabo Cabdi Dheere iyo Saneey Nuur, halka uu ku dhaawacmay askari kale oo asna magaciisa lagu soo gaabiyay Gamuur.
Qaraxa 2-aad oo lala beegsaday gaari ay wateen askar katirsan ciidanka maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacay duleedka deegaanka Cada-kibir ee gobalka Galgaduud.
Wararka hordhaca ah ee halkaas laga helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 2 askari halka uu ku burburay gaarigii uu haleelay.
Weerardan khasaaraha gaystay ayaa qeyb ka ah howlgallada kala duwan oo ay ciidamada Al-Shabaab ku beegsanayaan shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan leh ee duulaanka ku jooga dalka iyo askarta DF ee caratuurka u ah.
Gul barawe aniga kunol qarahan askar badan aya kudhimate wa xaqiiqo wili qar kuwa qaadka ibinayan wekudhawacme