Dowladda Mareykanka ayaa abaal marin gudoonsiisay askari uga dhaawacmay dalka Soomaaliya sannadkii 2020 kadib markii ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab ay ku weerareen Jubbada hoose.
Sida ay sheegeen saxaafadda Mareykanka askariga oo lagu magacaabo Daniel brillhart ayaa waxaa la dhintay 3 askari oo kamid ahaa kuwa ay tababarteed ee Soomaaliya halka qaar kamid ah ku dhaawacmeen.
Weerarka oo qarax ahaa ayuu su xun ugu dhaawacmay askarigan, abaal marinta la siiyayna ma ahan war xiiso leh, laakin waxa uu saameyn ka leeyahay dhanka Soomaalida la socota Mareykanka.
Askariga ka dhaawacma dowladda Mareykanka wuxuu helayaa daryeel iyo abaal marin u qireysa inuu yahay geesi u dhaawacmay diintiisa Kirishtaanka iyo dowladdiisa, laakin waxaa is weydiin mudan muxuu u dhimanayaa askariga Soomaaliga ah ee la socda, yaase daryeelaya billad siinaya.
Wuxuu askarigu sheegay inuusan ogeyn waxa ay ahayd maalintii uu dhaawacmayay iyo inuusan filanayn inuu noolaan doono, markii gaarigii uu saarnaa lala helay qarax aad u baaxad weyn.
Dowladda Federaalka ayaa sannad ka hor magacii ka badashay iskuul horey loogu magac daray geesigii gumeysi la dirirka ahaa ee Sheekh Xassan Barsane. Mareykanka ayaa ciidamadiisii kal hore kala baxay Soomaaliya kadib markii dhowr weerar khasaare loogu geystay haba u badnaado weerarkii weynaa ee Ballidoogle. (https://thefoundationspecialists.com/)