HomeAll newsMalleyshiyo Beeleed Ka Gadoodsan Galmudug oo Xirtay Wadada Ka Baxda Gaalkacyo.

Malleyshiyo Beeleed Ka Gadoodsan Galmudug oo Xirtay Wadada Ka Baxda Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in malleyshiyo beeleed hubeysan oo ay kamid yihiin ciidanka Galmudug ay xirteen wadada Gaalkacyo ee dhanka Koofurta aada.

Sida ay qaar kamid ah wax garadka magaalada sheegayaan malleyshiyada ayaa waxay doonayaan in hab qabiil ay u dhigtaan isbaaro 16 sano ka hor halkaasi taallay, malleyshiyadan ayaan la ogeyn cidda hubeysay xilli Xassan Sheekh uu waayihii dambe ku hawlanaa arrimahaasi.

Maamulka Galmudug oo doonayay in uu isbaaro sharciyeysan dhigto wadadaas ayaa waxaa ku gacan seyray malleyshiyo beeleedka, waxaa saacado badan magaalada iyo daafaheeda ku xayiran gaadiid badan oo safar ah.

Waxaa lasoo sheegayaa in odayaal dhaqameedyo ay ku bexeen xiisaddan, lamana oga sida uu xaalkeedu ku dambeyn karayo. DF ayaa dhawaan degaankada qaar hub ka dajisay waxaana suura gal ah in qabaa’ilku isku laayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular