HomeAll newsFaahfaahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaday Weerarkii Ka Dhacay Dhulka Falastiin.

Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaday Weerarkii Ka Dhacay Dhulka Falastiin.

Waxaa sii kordhay tirada Yahuuddii ku dhaawacantay weerarkii ka dhacay dhulka Falastiin ee Yahuuddu xoogga ku heysato waxaana war ka soo baxay taliska ciidanka Yahuudda lagu sheegay in askar katirsan ciidankooda ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Ugu yaraan 7 Yahuud ah oo isugu jira askar iyo shacab ayaa lagu dhaawacay weerar jid ah oo la beegsaday gaari bas ah oo ay la socdeen Yahuudda la dhaawacay, kaas oo mararay wadada 90-aad ee degaanka Waadii-Urdun ee dhulka Falastiin.

War soo baxay Taliska ciidanka Yahuudda waxaa lagu xaqiijiyay in weerarkan lagu dhaawacay 6 askari oo katirsan ciidankooda iyo ruux kale oo kamid ah Yahuudda xooga lagu deegaameeyay dhulka Muslinka ah ee Falastiin.

Afhayeen u hadlay ciidanka maamulka Yahuudda ayaa dhankiisa sheegay in qaar kamid ah askarta weerarka ku dhaawacantay ay xaaladoodu tahay mid garaab ah.

Raggii fuliyay howlgalkan khasaaraha geystay oo waday gaari ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii ay rasaas huwiyeen Yahuudii saarneyd gaariga la beegsaday, waxaana halka uu ka dhacay weerarkaan soo gaaray askar katirsan booliska Yahuudda oo goobta ka daad gureeyay dhaawacyada Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular