
Dagaalkan oo ahaa mid aad u qaraar ayaa yimid kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaatka ayna halkaas ku gummaadeen ugu yaraan 50 macawiisleey ah oo badankood looga cararay goobtii lagu dagaalamay.
Sarkaal military oo u hadlay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijiyey in ay dileen 50 maleeshiyo hubkoodana ka furteen, isagoo sheegay in badankood meydadkooda looga cararay goobtii lagu dagaallamay.
Maleeshiyaat fara ku tiris ah oo ka firxaday dagaalka ayaa gaaray Maxaas waxaana sidoo kale Xarakada Shabaabul Mujaahidiin soo qafaasheen dad nool iyo xoolo fara badan.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Ceelka Dhaaydhabe oo hoostaga tuulada Teedaan ee degmada Maxaas.
Maleeshiyaatka lagu xasuuqay weerarkan ayaa ah kuwo uu soo abaabulay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana maalmo kooban oo taageero warbaahinta looga muujiyey kadib, maleeshiyaatkan looga kala dhaqaaqay goobihii dagaalka si ay kaligood ula kulmaan cawaaqib xumada garab istaagii ay u muujiyeen shisheeyaha iyo kaba qaadkiisa.
Xigasho:Somalimemo.