Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degaanka Moqokori ee wilaayada Hiiraan ayaa waxaa DF iyo malleyshiyo la socotay looga dilay askar iyo saraakiil badan kuwaasoo uu ku jiro hogaamiyihii malleyshiyada la baxday macawiisley.
Sawirradan ayaa waxay muujinayaan sida ay ciidamada DF ugu jabeen dagaalkii maanta oo looga dilay in ka badan 20 halka tiro intaa ka badan looga dhaawacay.
Dadka laga dilay ee sawirradoodu muuqanayaan waxaa kamid ah Cilmi Hagar Guure oo sitay kaar aqoonsi ah oo ay dagaalka ka hor siisay wasaaradda arrimaha gudaha ee DF. Ragga lagu dilay dagaalka waxaa kamid ah Daabur, Cali Rarte, Cismaan Buureed, Cabdi Daa’uud, Dhaawacane, Qoor-cadde iyo Muumin Xagafey.
Cidii Ilaahay kitaabkiisa la dirirta ha ogaato inay marayso halkii ay mareen abii jahal iyo waliid binu muqiira.