
Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaallo iyo qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee wilaayada Hiiraan ayaa dagaal culus ku ekeeyay askar ka tirsan kuwa DF oo ku sugnaa tuulada Ceel-jiiqoow oo dhacda duleedka degmada Maxaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ciidamada DF looga dilay 10 askari iyadoo tiro intaa ka badan looga dhaawacay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa degaan ah oo codsaday inaan magacooda iyo codkooda loo adeegsan qalabka warbaahinta.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo shalay galinkii dambe qarax ka dhacay duleedka degmada Buulobarde gaari looga gubay ciidamada DF, halkaasoo khasaare kala duwan uu ku gaaray.
Ciidamada shisheeye oo dhaqaale badan kusoo qaatay iney Mujaahidiinta la dagaalamayaan ayaa qeyb yar oo kamid ah dhaqaalahooda u adeegsanaya malleyshiyaad si ay difaac uga dhigtaan oo wixii gaari lahaa iyaga ku dhacaan.
Guul al shabab illahow galadaiyo murtadinta babies ya allah islaamka gul deg deg ah siii yarabi