Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay madaafiic shalay lagu weeraray xarunta Madaxtooyada, xili halkaas uu ka socday kulan lagu ansixiyay xukuumadda cusub ee uu dhawaan magacaabay ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Inta la xaqiijiyay 2 askari oo katirsan ciidanka DF ayaa ku nafwaayay halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen Madfac ku dhacay koontaroolka kowaad ee laga ilaaliya Villa Somalia oo ku yaalla afafka hore ee albaabka laga galo xarunta madaxtooyada DF.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay howlgallo kala duwan oo isugu jira kuwa qorshaysan, qaraxyo iyo weeraro toos ah oo qaarkood lagu khaarijiyay askar katirsan DF waxay ka fuliyeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Halkaan ka dhageyso faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay Howlgalladas.