HomeAll newsDhageyso: Dagaallo Culus Oo Maalintii 4-aad Oo Xiriir Ah Ka Soconaya Dalka...

Dhageyso: Dagaallo Culus Oo Maalintii 4-aad Oo Xiriir Ah Ka Soconaya Dalka Itoobiya.

Jabaqda rasaasta iyo hugunka madaafiicda ayaa laga maqlayaa dhowr deegaan oo dhaca waqooyiga iyo galbeedka dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku loollamayaan dhinacyada xabashida ee ay colaaddu ka dhax aloosantahay.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in jabhadaha dagaalka ee waqooyiga iyo galbeedka ay si isku mid ah dagaallo uga holacayaan, afhayeen uhadlay ciidanka dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in ay si adag isaga caabiyeen weeraro isdaba joog ah oo maleeshiyaadka Tigreega TPLF ay shalay kusoo qaadeen deegaanno kaabiga ku haya xuduudda ay wadaagaan ismaamullada cafarta iyo Tigray.

Halkaan Ka Dhageyso Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallada ka socda Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular