Madaxweynaha DF, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Kenya usoo saxiixay in ay dib u billowdo keenista qaadka oo muddo laba sannadood ah ka xannibnaa dhanka Muqdisho.
Waxa uu Nairobi kula kulmay Uhuru Kenyatta madaxweynaha dalkaas, iyadoo Afhayeenka madaxtooyada Muqdisho uu heshiiskaasi ku tilmaamay mid guul ah.
Qaadka oo ah cudur ayuu Xassan Sheekh saxiixay in Kenya loogu badalo Kalluun ay ka jillaabanayso xeebaha Soomaaliya! waa cudur caafimaad ku baddalo. Farmaajo oo ah madaxweynihii ka horreeyay Xassan Sheekh ayaa Itoobiya u saxiixay in ay qaadkeeda ku badalayo kalluunka Soomaaliya.
Ummadda Soomaaliyeed ayaa aad ula fajacsan heshiiskan, lamana oga iney ka dibad bixi doonaan iyo in kale.