HomeAll newsWarbixin: 27 Sano kadib xasuuqii loo geeystay Muslimiinta Boosniya.

Warbixin: 27 Sano kadib xasuuqii loo geeystay Muslimiinta Boosniya.

Boosniya iyo Hersik waa dhul dhaca Koonfurta iyo Koonfur Bari ee qaaradda Yurub, waxayna ku taallaa dhulka Balqaan la isku yiraahdo, iyo sidoo kale bartamaha dowladdii ka dhigneyd Yuqsulaafiyaddii hore, Saraayiifo ayaa ah caasimadda iyo Magaalada ugu weyn ee Boosniya iyo Hersik, Magaalada Mostor ayaana ah magaalada labaad ugu weyn dhulka Boosniya iyo Hersik.

Haddaba warbixintaan waxaan ku eegi doonnaa xasuuqii foosha xumaa ee lagula kacay Muslimiinta Boosniya, iyadoona ay xasuuqaasi ka hadleen qaar kamid ah dadkii Muslimiinta ahaa ee ka bad baaday xasuuqaas aan kala sooca laheyn.

Maalmahaan waxay ku beegan tahay 27 kahor xasuuqii Serbanica, ee lagu laayay in ka badan Sideed kun[8000]  oo ruux, kuwaas oo ahaa Muslimiinta Boosniya, waxaana ku jiray Waayeello, Haween iyo Caruur, iyadoona xasuuqaas ay geysteen ciidamada Serbiya ee Boosniya, waana mid kamid ah xasuuqyadii ugu foosha xumaa ee soo maray caalamka qarnigii 20-aad.

Bishii July ee sannadkii 1995-tii, Markii Magaalada dhacda bariga  Boosniya ee Sarbanica ay gacanta ku dhigeen ciidamada Serbiya, waxaa halkaas isaga qaxay illaa iyo 12,000 oo kamid ahaa dhalinyaradii iyo raggii magaalada, iyagoona aaday Keymaha, si ay u helaan Mandiqad aamin ah, Muddo 6 maalmood ah ayayna ciidamada Serbiya ku raad joogeen dadka Muslimiinta ah, iyagoona gacanta kusoo dhigay kumannaan kamid ah dadkii Muslimiinta ahaa, waxayna ku toogteen fagaare weyn.

Gaalkii hogaaminayay ciidamada Serbiyiinta Ratko Mladić ayaa ka hor inta aysan leyn dadka Muslimiinta askartiisa u sheegay, iney beegsadaan deegaannada Muslimiinta, si ba’anna u duqeeyaan illaa dadka halkaas ku sugan ay waali ku sigtaan, lana gaaray waqtigii ay ka aargoosan lahaayeen dadka Muslimiinta ah.

Buugaag badan ayaa laga qoray xasuuqii ay gaalada ugeysteen Muslimiinta Boosniya, waxaana buugaagtaas kamid ah midka lagu magacaabo “Codadka Serbanica”, iyadoona lagu soo bandhigay sheekooyinka dadkii ka bad baaday xasuuqii Boosniya, waana buugii ugu dambeeyay ee ka hadla xasuuqaas, iyo marqaatiyaashii bad baaday ee lasii daayay.

Buugaan ayaa soo koobaya hadallada dadkii ka bad baaday xasuuqaas wuxuushnimada ah, wuxuuna ninka qoray uu sheegayaa inay go’aansadeen inay la fariistaan dadkii soo bad baaday, islamarkaana ay ka duubaan sheekooyinkii ku saabsanaa xasuuqa, sidaasna ay ku timid firkadda buugga, taas oo socotay muddo 5 sano ah, waxa uuna noqday buugii ugu horreeyay ee si faahfaahsan looga hadlo xasuuqii Muslimiinta Boosniya.

Mid kamid ah dadkii kasoo bad baaday xasuuqii ka dhacay Boosniya, islamarkaana kamid ah dadka wax ka qoray buugaan cusub, ayaa sheegay in qoristiisa ay umareen dhib badan, ugu dambeyna ay ku guuleeysteen inay soo bandhigaan.

Boosniya ayaa kamid aheyd Jamhuuriyaddii ballaarneyd ee Yuguslaafiya, taas oo ka koobneyd  7 dowladood oo hoos tagayay nidaam shuuci ah, kana mid ahaa dowladihii ugu awoodda badnaa ee qaaradda Yurub, waxayna dowladahaas kala ahaayeen Croatia, Serbia, Bosnia, Herzegovina, Slovenia, Montenegro, Macedonia, iyo Kosovo.

Horraantii 90-meeyada ee qarnigii 20-aad ayay dowladahaan billaabeen iney kaga soo hoos baxaan nidaamkii Yuguslafiya, Boosniya ayaana kamid aheyd kuwii qaatay go’itaanka ay kaga baxeen Yuguslafiya, waxaana arrinkaas ka biyo diiday qaar kamid ah siyaasiyiintii Seerbiyiinta Boosniya.

Wagitaa wixii ka dambeeyay ayay ciidamada Serbiyiinta Boosniya oo taageero ka helaya xukuumadda Serbiya iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Muslimiinta Boosniya, waxaana dhacday isir sifeynta, barakicinta iyo kufsiga loo geystay haweenkii muslimaadka ahaa ee Boosniya, waana xasuuqii ugu xumaa ee aan ka shakeekeyneyno oo ka dhacay magaalada Serbanica, kaas oo lagu laayay in ka badan Sideed kun[8000] oo ruux oo Muslimiin ah.

Gaboodfalladii ugu xanuunka badnaa ee xilligaas dhacay ayaa waxaa kamid ah, in ciidankii Serbiyiinta ay si wadar ah u laayeen ragga, sidoo kalena ay kufsi wadareed u geysteen haweenka Muslimaadka, kadibna ay u laayeen si jamaaci ah, waxaana intaas dheer in ciidamado ka socday Holland oo qeyb ka ahaa kuwa ay Qaramada Midoobey geysatay halkaas ay Muslimiin badan ugacan galiyeen ciidanka Seerbiya, kuwaas oo xasuuq aan kala sooc leheen ka waday Magaalada.

Qadiyadda Msulimiinta Boosniya iyo Hersik ayaa kamid ah qadaayaadka mucaasirka ah ee muujinaya wajiga dhabta ah ee reer Yurub,  kuwaas oo isku kaashada dhibaateynta aqalliyad waliba oo Mulsimiin ah meel waliba ha joogte’e.

Inkastoo aaney aheyn waqti sidaas usii fog xilliga ay dhaceen dhibaatooyinkaan xanuunka badan, haddana Qaramada Midoobey iyo dowladaha sheegta iney uduudaan xuquuqul insaanka, ayaa sheeda ka daawanayay dhibaatada dhacday, intaas oo kaliya maahane xittaa way taageereen dhibaatada loo geystay Muslimiinta.

Gunaanadkii waxaan wax la hilmaami karo aheyn wacadarihii ay dhigeen Muslimiintii Muhaajiriinta ahaa, kuwaas oo isaga kala tagay daafaha caalamka, halkaasna unafiiray si ay udifaacaan walaalahooda Muslimiinta ah ee dhibaatada arxan darrada ah loo geystay.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin 27 Sano kadib xasuuqii loo geystay Muslimiinta Boosniya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular