Waxaa isi soo taraya dadka ka hadlaya geerida Sheekhii caalimka ahaa ee geeriyooday todobaadkii lasoo dhaafay, Sheekh Nuur Mucallim Cabdiraxmaan.
Sheekh Cabdirashiid Sh/Cali Suufi oo ay aqoon isku lahaayeen kana mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa dhammaal tacsi ah kasoo diray Xajka.
Wuxuu Alle uga baryay inuu jannaadkiisa dajiyo Sheekha, annagana gadaashii na fitneyn, wuxuu u tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in geerida Sheekhu ay ku tahay musiibo weyn, waxa kale oo uu tacsi gaar ah u diray ehelkii iyo qaraabadii Sheekha.
Allah ha u naxariisto Sheekheennii Sh.Nuur M.C/Raxmaan.waxaana u tacsiyeynayaa eheldii,qaraabadii iyo jmeecadii uu k tagay.