HomeAll newsSawirro: Ku Dhawaad 90 Askari oo Liyu Bolis Ah oo Lagu Dilay...

Sawirro: Ku Dhawaad 90 Askari oo Liyu Bolis Ah oo Lagu Dilay Dagaaladii Caato & Yeed.

Xafiiska warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor sii horreysay baahiyay sawirrada dagaalkii shalay ka dhacay Yeed iyo Caato oo ka tirsan Bakool, halkaasoo lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, gaar ahaa Liyu Bolis.

Sawirrada ayaa laga dheehanayaa meydadka ciidamada Liyu Bolis oo bilqan iyo baaxadda khasaaraha gaaray, waxaana sidoo kale la arkayaa maxbuus nolosha looga qabtay. Al-Shabaab waxay sheegeen in ay dagaaladaasi ku furteen gaadiid iyo saanado milatari.

“Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo kamid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho” ayuu yiri sarkaal u hadlay AlShabaab.

Xaaladda Yeet iyo Caato ayaa deggan iyadoo dadka degaanadaasi ay ku faraxsan yihiin in laga dul dajiyay calankii Itoobiya, baraha bulshada ayaa waxaa horey loogu baahiyay saraakiisha Liyu Bolis oo ku faanaya in ay Yeet iyo Caato ka difaacayaan magaalada Adis-ababa.

Halkaan Ka Dhageyso Falanqeynta Sawirrada uu baahiyay Maktabka Warfaafinta ee Mujaahidiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular