HomeAll newsQarax Khasaare Lagu Gaarsiiyay Askarta Jabuuti Oo Ka Dhacay Hiiraan.

Qarax Khasaare Lagu Gaarsiiyay Askarta Jabuuti Oo Ka Dhacay Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo-burde ayaa ku waramaya in halkaas uu maanta ka dhacay qarax xooggan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay wararku tilmaamayaan qaraxaan ayaa lala beegsaday bar-kontrol oo ku taalla koonfurta magaalada Buulo-burde, islamarkaana ay kuwada suganyihiin ciidamada Jabuuti iyo kuwa DF.

Qaraxa oo ahaa mid culus oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadda kala duwan ee degmada Buulo-burde ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 7 askari oo kamid ah ciidankii ku sugnaa fariisinka la qarxiyay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku nafwayay 3 askari oo katirsanaa ciidanka DF, halka ay dhaawacyo garaab ah ay ku noqdeen ilaa 4 askari oo kamid ah ciidanka Jabuuti.

Saddexda askari oo katirsanaa ciidanka DF ee ku dhintay qarxaani ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Yuusuf Indhacade, Cabay Xasanow iyo Iidow.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan. Ciidamda Al-Shabaab ayaana marar badan degmada Buulo-burde ka fuliyay howlgallo lagu naafeeyay askarta Jabuuti ee xoogga ku heysta degmadaas iyo kuwa DF ee caro turka u ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular