Booliiska dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in maydadka in ka badan 30 qof laga helay guri ku yaalla koonfurta gobolka Indiana ee dhaca galbeedka wadanka Mareykanka.
Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in ciidanka lagu soo war geliyay meydadka 31 ruux oo qaar kood ay door soomeen, kuwaas oo lagu arkay xarunta meydadka oo ku taalla magaalada Jeffersonville ee koonfurta gobolka Indiana.
Waxa uu xusay in dadka deegaanka ay ka warbixiyeen ur xooggan oo ka soo baxaysa dhismaha lagu arkayay meydadka, iyadoo qaar ka mid ah meydadka laga soo saaray xabaal wadareed lagu aasay.
Sarkaalkaan Ameerikaanka ah ayaa intaas ku daray in meydadka laga helay meelo kala duwan oo gudaha dhismaha ah, iyadoona 16 kamid dadkaas ah meydadkooda lagubay.
Sidoo kale booliska Mareykanka ayaa tilmaamay in la furay baaritaan lagu ogaanayo waxa keenay dhimashada dadkaan, waxayna xuseen in baaritaan lagu hayo milkiilaha guriga meydadka laga helay, iyadoona loogu baaqay cid kasta oo laga yaabo inay hayso macluumaadka la xiriira falkaan ay la xiriirto xafiiska dambi baarista ee gobolka Indiana.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii meydadka in kabadan 50 ruux oo soo galooti ah laga lalay gudaha gaari xamuul ah oo ku socdaalayay gobolka Texas ee dalka Mareykanka, kuwaas oo muran badan ka taaganyahay cida masuulka ka ah dhimashadooda.