HomeAll newsMadaxweynaha Mareykanka Oo Ballanqaadyo Ufidiyay Maamulka Yahuudda Ee Xoogga Ku Heysta Filastiin...

Madaxweynaha Mareykanka Oo Ballanqaadyo Ufidiyay Maamulka Yahuudda Ee Xoogga Ku Heysta Filastiin [Warbixin].

Maalintii shalay waxaa si rasmi ah u billawday booqasho uu Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ku marayo qaar kamid ah wadamada Khaliijka, iyo Maamullka Yuhuudda, waxaana booqashada oo gashay maalintii 2-aad uu Biden ku hor maray Magaalada Tel-Aviv ee ay caasimad ka dhigteen Yuhuudda Sahyuuniyadda ah, isagoona halkaas kulamo kula qaadanaya madaxda ugu sarreysa ee Maamulka Yuhuudda.

Arrimaha ugu hiimsan ee uu Biden ka damacsan yahay booqashadaan oo ahaa kuwa intooda badan horey loo sii shaaciyay, ayuu maanta oo khamiis ah, ahna maalintii labaad ee booqashadiisa la kulmayaa Ra’iisal Wasaaraha Maamulka Yuhuudda Year Lepad, iyagoona kala sixiisan doona heshiis wada jir ah oo loogu magac daray “Iclaanul Qudus, kaas oo looga hor tagyo in xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay sii heysato hubka wax gumaada ee Neuclerka.

Masuul sare oo katirsan Maamulka Biden ayaa shir jiraa’id oo warbaainta ugu qabtay qadka taleefanka wuxuu kaga hadlay, heshiiska la filayo inuu dhex maro Joe Biden Madaxweynaha dalka Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Maamulka Yuhuudda, wuxuuna heshiiskaas ku sifeeyay mid sii ballaarinaya cilaaqaadka amni ee mudada dheer u dhexeeya Xukuumadda Washington iyo Kayaanka Sahyuuniga ah.

Masuulkaan sare ee katirsan Idaarada Biden ayaa waxa uu intaas ku daray in heshiiskaan la filayo uu yahay mid leh muhiimad gaar ah, uuna xoogga saari doono ka hor tagga in Xuukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay sii heysato hubka wax gumaada ee Neuclerka, sidoo kalena uu ka hor tagayo dhaq dhaqaaqa ay Tehran ku leedahay Mandiqadda ee lagu carqaladeynayo ammaanka gobalka, si gaar ahna handadaadda Maamulka Yuhuudda uga imaaneysa xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.

Biden ayaa gaaray Yuhuudda Maalintii shalay oo Arbaco aheyd, waana safarkii ugu horreeyay uu ku tago Mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe tan iyo markii uu la wareegay talada Mareykanka horrantii sannadkii 2021-ka, waxaana maanta lagu wadaa inuu kalmo kala duwan la qaato Madaxda Maamulka Yuhuudda ee ku xoogga ku heysta dhulka Filastiin.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxda Falastiiniyiinta ee Maqaar saarka ah, Yuhuuddana wakiilka uga ah deegaannada Daanta Galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Yuhuudda, waxaana intaas dheer, inuu la kulmi doono madaxda wadamada Khaliijka iyo sidoo kale kuwa Masar, Ciraaq iyo Urdun, kuwaas oo uu dhammaantood kala hadli doono danaha uu Mareykanku ka leeyahay Mandiqadda, iyo sidii loosii xoojin lahaa xiriirka ay dalalkaas la leeyihiin Maamulka Yuhuudda.

Isagoo ku sugan garoonka Bin Gooriyoon ee ku yaalla Magaalada Tel-Aviv ee ay caasimadda ka dhigteen Yuhuudda ayuu Biden sheegay, in xukuumaddiisa ay ka shaqeyneyso sidii ay uxoojin leheyd ammaanka Yuhuudda, ayna kaga qeyb qaadan leheed horu marinta nidaamka difaaca hawada ee Kayaanka Sahyuuniga ah ee dhul boobka ku haya dhulalka Muslimiinta ah.

Mareykanka oo ay bah wadaag yihiin Yuhuudda ayaa waxa uu Biden sheegayaa iney ka shaqeyn doonaan ka hor tagista wax waliba oo dhibaato ah Maamulka Gumeysiga, si uu ugu sii xoogeysto Manidqadda, waxa uuna intaas ku daray in mudada uu booqashada ku joogo halkaas uu Yuhuuadda kala hadli doono dacmiga joogtada ah ee ay Washington u fidineyso Tel-Aviv, kaas oo ah xalka ka dhexeey labada maamul.

Arrinta ugu weyn ee wal walka ku heysa Yuhuudda ayaa ah barnaamijka Neuclerka ee xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, Ra’iisal Wasaaraha Maamulka Yuhuuda ayaa sheegaya in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay kala hadli doonaan sidii loo dhisi lahaa nidaam amni iyo mid dhaqaale oo ay ku mideysan yihiin dowladaha dhaca mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe, ninkaan ayaana aad u daneynaya dhisidda isbaheysi mideeye Yuhuudda iyo dowladaha khaliijka.

Isxaaq Hartisog Madaxweynaha Kayaanka Sahyuuniyadda oo dhankiisa khudbad ka jeediyay garoonka Bin Gooriyoon ayaa booqashada Biden ku tilmaamey mid taariikhi ah, wuxuuna ku nuux nuux saday in tani ay ka tarjameyso xiriirka qotada dheer iyo saaxiibtinmada ka dhaxeysa labada maamul, si lamid ah Ra’iisal Wasaarihiisa ayuuna sheegay in kulamada ay laqaadan doonaan dhigiisa Washington lagaga hadli doono khataraha ay Xukuumadda Shiida ah ee Iiraan ku heyso Mandiqadda.

Kalimaadkii soo dhaweyta kadib Mudadii uu Biden ku sugnaa garoonka Bin Gooriyoon waxa uu la kulmay Masuuliyiinta Yuhuudda u qaabilsan nidaamkooda difaaca hawada, waxa uuna kor meer ku sameeyay nuskhooyin cusub oo ah nidaamyada difaaca hada ee Kayaanka Sahyuuniga ah, kuwaas oo ku shaqeyn doonno Leyzarrada.

Tani ayaa muujineysa sida xukuumadda Washington ay juhdi ballaaran ugu bixineyso sidii ay Maamulka Yuhuudda ugu gacan galin leheed awoodda Mandiqadda, ayna kaga go’an tahay ka hor tagga caqabaq waliba oo ay suuragal tahay inuu waajaho kayaankaan gumeysiga ku dhisan, ee doonaya inuu boobo dhulalka iyo dhaqaalaha umadda Muslimka ah, isagoo garab kaga helaya Madaxda faasidiinta ah ee ka talisa wadamada caalamka islaamka ah.

Ka hor inta uusan kasoo amba bixin Magaalada Washington ayuu Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wareysi uu siiyay Channelka 12-aad ee Yuhuudda ku sheegay in Khiyaarka mellatari ee lagu wajahayo Iiraan uu yahay mid sii jiri doono, balse kan hadda ay ku howlan yihiin uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay kusoo afjari karaa xukuumadda Tehran.

Wareysiga uu Biden siiyay Channelka 12-aad ee Yuhuudda ayuu sidoo kale ku sheegay, in dan waliba oo kallifta in Theran heshiis lala yeesho ay haddana wali tahay mid ku jirto liiska waxa loogu yeero Argagixisada, isagoona tilmaamay in dadaalka loogu jiro ku laabashada heshiskii hore ee Iiraan kuna aadanaa barnaamijkeeda Neuclerka uu yahay mid wali halkiisa kasii socda, wuxuuna intaas kudaray in Washington ay sii xoojin doonto awoodeeda Mandiqadda, maadaama firaaqiii uu ka tagay Mareykanka uu sabab u noqday inay gobalka ku xoogeystaan Shiinaha iyo Ruushka oo siyaaysad ahaa ay cadaawad kala dhexeyso.

Hadaba Xukuumadda Shiidaca ah ee Iiraan maxey uga dhigan tahay booqashada uu Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ku marayo Yuhuudda iyo wadamada khaliijka, muxuusa yahay raddu ficilka ay suuragalka tahay inay ku dhaqaaqo xukuumadda Tehran!?.

 

Ibraahim Ra’iisi oo ah Madaxweynaha xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan oo ka hadlayay booqashada Biden ayaa sheegay in dalkiisu uu si taxadar leh ula socdo isbedellada ka socda gobolka, islamarkaana uusan mooganeyn dhaq dhaqaaqyada ka taagan Mandiqadda, isagoo carrabka ku adkeeyay in dalkiisa uusan marnaba ka tagin heshiiskii Nukliyeerka, wuxuuna tibaaxey in siyaasadda cadaadiska ugu sarreeysaa aysan gaarin yoolkee laga lahaa.

Ra’iisi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay marar badan ku war galiyeen in Tehran ay si adag uga hor tagi doonto dhaq dhaqaaq waliba oo beegseenaya midnimadeeda, isagoona xusay in  dadaallada Mareykanka ee Mandiqadda aysan maranaba xaqiijin doonin amniga Maamulka Yuhuudda.

Naasir Kancaani oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa Mareykanka ugu baaqay inuu ka joogsado dadaallada uu ku dooneyso sameynta isbaheysi ka dhanka ah Tegran, uuna ixtiraamo madax-bannaanida dalalka Mandiqadda, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in dowladaha taageerada u fidiyay Maamulka Yuhuuda ay qaadi  doonaan masuuliyadda tallaabo kasta oo sharci darro ah uu ku dhaqaaqo Kayaanka Sahyuuniga ah, taas oo ka dhan ah xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.

Isabaheysi weliba oo dhemxara maamulka Yahuudda iyo dowladaha carbed wuxuu sidoo kale kicinayaa carada kooxaha Muqaamada Filastiin iyo ururka shiiciga ah ee ka jira dalka Lubnaan, iskuna magacaabay Xisbullaah. Kooxahaas ayaa u arka iskaashi dhexmara Yahuudda iyo Carabta inuu iyaga jiritaankooda halis ku yahay.

Xarakada Xamaas oo kamid ah kooxaha Muqaawamada Falastiiniyiinta ayaa sheegeysa in booqashada Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay u adeegeeyso oo kaliya masaalixda Maamulka Yuhuudda, waxayna xarakadu ka digtay khattaraha ku geedaaman ajandayaasha ay xamraarsan tahay booqashadaan uu Biden ku marayo wadamada ku yaalla Mandiqadda.

Afhayeenka Xamaas Xaazim Qaasimm ayaa sheegay in socdaalkan uu ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa kala qaybsanaanta dowladaha gobolka, iyo sidii loo ilaalin lahaa mashruuca Sahyuuniyadda iyo siyaasaddeeda is ballarinta, ayna tahay tilmaan wax-ku-ool ah oo muujinaya taageerada buuxda ee Maraykanku u hayo Maamulka gumeysiga ee xoogga ku heysto dhulka Filastiin.

Marka lasoo uruuriyo ahdaafta laga leeyahay booqashadaan ayaa ah in dib boorka looga jafo wujuudka Mareykanka ee Mandiqadda loogu Bariga Dhexe, hadey ahaan leheed xagga amniga iyo dhaqaalaha, faa’iidada booqashaan ayaana ah mid ulaabaneysa xukuumadda Washington.

Hadafka kale ee ugu weyn booqshadaan ayaa ah sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladaha Carbeed iyo Maamulka Yuhuudda, loona dhisi lahaa isbaheysi lamid ah Nato oo ay ku mideysan yihiin Yuhuudda iyo dowaldaha Mandiqadda, waana taas midda ay sida weyn u daneynayaan Mareykanka iyo Yuhuudda oo ah kuwa dhibaatada ku hayan wadamada islaamka.

Jamaahiirta muslimiinta gaar ahaan kuwa ku dhaqan wadamada Carabta ayaa dhankooda la rumeysanyahay ineysan marnaba ogolaan Karin in isbaheysi milliteri oo muuqda uu dhexmaro dalalkooda iyo maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin, hadii ay arinkaas ku dhiiradaan madaxda wadamadooda ayaana waxaa la filan karaa iney dhacaan dibadbaxyo waaweyn iyo tallaabooyin kale oo aan lasii qiyaasi Karin, taasoo keeni karta in wax badan uu iska bedelo hogaanka wadamada caalamka Islaamka.

Taxadiyaadkaas aan soo tilmaamanay ayay khubaradu aaminsanyihiin iney ku hor gudboontahay dhisidda urur Nato lamid ah oo mideeya dowladaha carbeed iyo maamulka Yahuuudda, inkastoo waaqiciyan aan la dafiri Karin in dowlado carbeed iyo maamulka Yahuudda ay leeyihiin xiriir muuqda oo iskaashi ah, si gaar ah tacaawunka xaga amniga iyo milllteriga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular