Waddanka Suudaan waxaa laga soo sheegayaa xaalad adag, kadib markii dagaallo qaraar oo salka ku haya aanooyin qabiil ay ka dhaceen gudaha dalkaas, iyadoona wali magaalooyin ku yaalla dalka ay dagaalladu ka soconayaan.
Dagaalladaan ayaa waxay xooggoodu ka socdaan gobalka Niilul Azraq oo dhaca Koonfur bari ee dalkaas, waxaana wasaaradda caafimaadka ee Suudaan ay sheegaysaa, in tirada dhimashada ay gaartay 79 ruux, halka dhaawacana ay ku sheegtay 199 qof, waxaana intaas dheer oo dagaalka ku barakacay 18-kun ruux.
Xaalad bandow ah ayaa lagu soo rogay laba magaalo oo katirsan gobalka Niilul Azraq, waxaana xaafadaha iyo magaalooyinka ay dagaalladu ka dhaceen la geeyay ciidamado badan oo katirsan xukuumadda Suudaan.
Tiro guryo ah oo ku yaalla magaalada Roosiros ee ku taalla gobalkaan ayaa dab la qabad siiyay, waxayna dad goob joogayaal ah soo warinayaan ,in boqallaal dad ah laga daad guureeyay magaalada.
Wariyayaal ku sugan gobalka ayaa soo sheegaya in magaalada dab laqabad siiyay, suuqii weynaa ee ku yiilayna boob loo geystay, waxaana goobaha la boobay kamid ah xaafado ku yaalla magaalada.
Gudooniyaha gobalka oo la hadlay warbaahinta ayaa, sheegay in faafinta Wararka abuuraya naceybka ay kamid tahay asbaabaha sii xoojinaya azmada ka jirta gobalka, wuxuuna ku goodiyay in tallaabo laga qaadi doono dadkaas.
Inka hor imaadyadaan oo qarxay 15-kii bishaan ayaa waxay u dhexeeyaan kooxo maleeshiyaad ah oo ka kala tirsan qabiillada Howsa iyo Foonji, waxaana maalinkii ugu horreeyay ee dagaalka ku dhintay 11 ruux.
Dagaallada ayaa lagu soo waramayaa iney ku fideen goballo dhowr ah oo ku yaalla dalka Suudaan, waxaana kumannaan dad ah ok kasoo jeeda qabiilka Howsa ay dhigeen dibad baxyo ballaaran, iyagoona xiray wadooyinka waaweyn ee gobalka.
Magaalada Kasla ee dhacda bariga dalka Suudaan ayaa waxay ila wareedyo caafimaad sheegayaan inuu ku dhintay hal ruux, 12 kalena ay dhaawacyo kasoo gareen dibadyo xooggan oo ay qabiilka Howsa ka dhigeen magaalada, maamulka ayaana bandow kusoo rogay guud ahaanba aaggaas.
Waxaa intaas dheer oo ay wararku tilmaamayaan, in dibad baxayaashu ay dab qabad siiyeen dhismayaal dhowr ah oo ah xukuumaddu leedahay, waxayna ciidamada ammaanka kor uridayeen rasaas si ay dadka u kala cerriyaan.
Dibad baxayaasha ayaa xirtay magaalooyinka qaar, iyagoona la wareegay buundooyin soo gala magaalada caasimadda ah ee Khartoum, xilli lasoo tabinayo in laba koox oo dibad baxyo dhigayay uu iska hor imaad dhex maray.
Gobalka ayay xaaladdiisu faraha kasii baxaeysaa, waxayna dagaallada iyo dibad baxyadu kusii fidiyaan magaalooyin waaweyn oo ku yaalla dalka Suudaan, iyadoona laga cabsi qabo in khasaaraha dhimashada uu sii kordho.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Xaalad Adag Oo Ka Taagan Suudaan.