Warar dheeraad ah ayaa kaga helayaa weerar ay ciidamada Al-Shabaab ku beegsadeen fariisin askarta Kenya ay ku leeyihiin deegaan hoostaga degmada Ceel-Qaalow ee gobalka Mandheera ee dhulka NFD ay dowladda Keyna xoogga ku heysato.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu dhaawacay halka askari oo keenyaati ah oo katirsan ciidankii ku sugnaa fariisinkii weerarka martiyay.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar jid-gal ah la beegsaday kolonyo ciidanka Kenya ah oo katimid gobalka Mandheera ee dhulka NFD kuna sii jeeday dhanka magaalada Nairobi.
Kamiinka oo si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Sheykh Barrow iyo Finnow oo kawada tirsan gobalka Mandheera ayaa waxaa lagu gubay gaari kamid ahaa kolonyada la beegsaday kadib markii uu haleeyay qarax xooggan, askartii saarneyd ayaana dhimasho Iyo dhaawac uqeyb samay.
Qaraxa kadib waxaa goobta ka dhacay weerar toos ah oo in muddo ah socday, waxaana lasoo sheegayaa in khasaare culus uu soo gaaray ciidamada Kenya, iyagoona si casha’waai ah hoobiyayaal ugu garaacay goobaha ka ag dhaw halka lagu beegsaday.
Howlgaldaan ayaa ku soo aadaya xili xalay ciidamada Al-Shabaab ay weerar dhowr ah ku qaadeen saldhigyo askarta shisheeye iyo kuwa DF ay ku leeyihiin degmada Jannaale iyo deegaanada Golweyn iyo Taabto oo kawada tirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.