HomeAll newsDhowr Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Wadareed Ka Dhacday Dalka Denmark.

Dhowr Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Wadareed Ka Dhacday Dalka Denmark.

Wararka ka imaanaya dalka Denmark ayaa ku waramaya in tiro dad ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqday toogasho ka dhacday magaalada Copenhagen ee caasimadda dalkaas, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska Denmark ayaa xaqiijiyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhashay toogasho wadareed ka dhacday xarun laga dukaameysto oo ku taalla caasimadda Denmark ee Copenhagen, waxa ayna shaaciyeen in ay gacanta ku dhigeen nin 22 jir ah oo lagu tuhunsan yahay weerarka.

Taliyaha booliska Copenhagen, Soeren Thomassen ayaa xaqiijiyay in 3 qof ay ku dhinteen 3 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu weerar toogasho ah ka geystay xarunta ganacsiga ee Field oo ku taalla koonfurta magaalada Copenhagen.

Thomassen ayaa tilmaamay in ujeedku weerarkaan uusan caddayn, islamarkaana uusan meesha ka saari karin inuu yahay waxa uu ugu yeeray “fal argagixiso”.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in nin hubeysan uu gudaha xarunta ka bilaabay toogasho, xili halkaas ay ka tukaameysanayeen dad badan, isagoo dad dhowr ah halkaasi ku dilay, wax yar ka hor inta aysan gacanta ku dhigin boolisku.

Telefishanka Qaranka Denmark ayaa dhankaiisa sheegay in saddex qof oo dhaawac ah oo aad u liitaa la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Copenhagen, iyadoo dad kale oo ku dhaawacmay weerarka lagu daweeyey isla goobta ay toogashadu ka dhacay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular