Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in 40 sano kadib ciidanka Nabad ilaalinta ay isaga baxayan Jaziirada Tiiraan ee ku taala iridka laga galo Khaliij Al Caqabah, kahor inta aan la gaarin dhamaadka sanadka aan ku guda jirno ee 2022ka.
Isagoo ku sugan magalada Riyadh ee dalka Sucudiga ayuu ka dhawaajiyey arintan, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula leeyahy dhaxal sugaha boqortoyada Maxamed Bin Salman, waxaana xusid mudan in Jazeeradan ay ku muran sanayen wadamada Sucudiga iyo Masar, inkastoo Xukumada Qaahira ay milkiyadeeda ka tanazushay sanadki 2016ka.
Ciidan lagu shegay nabad ilaalin oo ka socday dalal kala duwan ayaa Jazeerada Tiiraan ku sugna 40ki sano ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ay hor boodeysay xukumada Washington, qadiyadan ayaana kamid aheyd waxyaabihi ugu muhimsana ee uu xambarsana safarka Joe Biden uu hada ku joogo mandiqada bariga dhexe.
Bayaan wada jir ah oo kasoo baxay madaxda dowladaha Sucudiga iyo Mareykanka ayaa lagu xaqijiyey arintan, waxaana ku saxiixna Joe Biden iyo Maxamed Bin Salman, gudaha bayanka ayaana lagu yiri, ciidanka Nabad ilalinta oo ay kamid yihin kuwa mareykanka waa ay ka baxayan jaziirada oo ay ku sugnayen tan iyo sanadki 1978di, xilligaas oo la saxiixay heshiski nabada ee dhex maray yuhuuda iyo Masar, waxana muuqata in baqdinti laga qabay carabta ee ka dhanka aheyd Yuhuuda ay Meesha ka baxday, maadama uu hir galay heshiski Safqatul Qarni, Boqortooyadana ay marki ugu horeysay si rasmi ah ugu dhawaqday, inay hawada dalkeeda u fureyso diyaaradaha iyo dalxiisayasha Yuhuuda ah.
Jazeeradan ayaa laga difaaci jiray maamulka Yuhuuda, waxa ayna ku taala mandiqad istiraatiji ah, maadama ay dhacdo albaabka laga galo Khaliij Al Caqabah, kaas oo u dhexeya wadamada Sucudiga iyo Masar, halka sidoo kalena uu yhy dariiqa loo maro Dakada Iilat ee uu xooga ku qabsaday Mamulka Yuhuda.
Waxaan kulamo kala duwan lasoo qaatay madaxda dalka Sucudiga, haba ugu horeye boqorka dalka, Dhaxal sugaha, Wazirka daaqada iyo tamarta, wazirka Sports-ka iyo kuwa kale oo madasha ku sugna, waxaana kala hadlay arimo badan oo ay kamid thy sxbtinimada xeel dheer ee nagala dhexeyso boqortooyada, sidoo kale waxaan mahad gaar ah u diraya diplomasiyinti ku sugna kalfadhiga, kuwaas oo kaalin lixaad leh ka geystay heshisyadi dhex maray Washington iyo Riyadh, waxaana manta doonaya inaan idin kaga warbixiyo waxyabihi laga dhaxlay kulanka, sidii aad saakaba aragten, sucudiga wuxuu hawada dalkiisa u furay dhamanba dulimadyada madaniga ah ee caalamiga ah, arintan oo aheyd mid weyn, sidoo kalena manta laga bilaabo, diyaaradaha Yuhuuda waa ay tagi karaan kana noqon karan dalka Sucudiga, tani waxa ay kamid ahyd xaqijint ahdafti ugu muhimsaneyd ee aan u imid bariga dhexe, sababtoo ah waa qeyb kamid ah caadiyeynta cilaaqadka Yuhuuda iyo carabta, arinta labaad waxa ay thy, in manta la joogo waqti kala guur ah, oo aan rabno in lagusoo afjaro mid kamid ah colaadihi ugu waqtiga dheera ee kajiray bariga dhexe, lana saxiixdo heshis 3 geesood ah, laga bilaabo manta, ciidanki nabad ilaalinta oo ay ku jiraan kuwa mareykanka ee ku sugna Jaziirada Tiran, dib ayay ugu noqonayan dalalkooda, halkaas oo ay ku sugnaayeen 40 sano iyo kabadan, taas oo ku began waqtigi la saxiixay heshiski Camp David, waxaan rabaa inan fursadan uga faaideysto, in 5 askari oo American ah ay ku dhinten Jaziirada sanadki 2020ka, kuwaas oo gudanayey waajibadkooda, waana muhiim inaan la xasuusto nabada ay horseedeen, manta laga bilaabo jaziiradan waxa ay u furan thy dalxiisayasha iyo maal gashiga ganacsi ee wadamada Masar, Sucudiga iyo mamulka Yuhuda, iyadoo aan lakala xigin la iskuna xaglineyn, darafyada 3da ahna way u siman yihin Malaaxadeeda, xitaa Maamulka Israel ayuu yiri Biden.
Marka aad fiiriso erayada ay adegsanayan madaxda Mareykanka iyo Yuhuuda, waxaa banaanka usoo baxaya marin habaabinta ay la doonayaan bulshada, iyo sida loo daboolayo xaqiiqda, tusaale ahaan madaxweyne Biden waxa uu yiri, Riyadh waxa ay hawada dalkeeda u furtay dhamanba duulimadyada caalamiga ah, isagoo carabka ka leexinayey magaca Yuhuudda, hadaba waa suaale, dalkee ayuu ka xirna hawada dalka Sucudiga marka lagasoo tago gumeystaha, miyaaney halkan ka cadeyn in la xaqirayo caqliyada bulshada, lagana dhigayo kuwa aan fahmeyn dhagarta dadban ee loo malegayo.
cid kasta oo ka warqabta warbahinta waa ay og tahay xasaasiyada laga qabo adegsiga magaca Yuhuda iyo darenka gaarka ah ee uu kubeerayo bulshada Muslimka ah, taas ayaana Kentay in carabka laga weeciyo, arintana laga dhigo mid ka weyn sida ay thy, iyadoo loo galinayo shaati calami ah, sidaba uu ka dhawajiyey madaxweynaha cutushka ah ee dalka Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay aqalka cad arintan kadib ayaa lagu yiri, Heshiska laga gaaray Jaziirada Tiiran ayaa yimid dhowr bil kadib oo ay socden wada hadalo u dhexeya 3da daraf, iyadoo il gaar ah loo yeelanayo masalixda guud ee dalalka mandiqada, si gaar ahna midka maamulka Yuhuuda.
Aqalka cad oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, Boqortooyadu waxa ay aqbashay inay ixtiram gaar ah siiso dhamaanba qodobadi lagu heshiyey iyo nidamyadi lasoo maray ee mandiqada iyo sidii loo socod siin lahaa, taas oo ay kamid thy in Jazeeradaha Tiiraan iyo Sanaafiir ay noqdan mandiqado ka caagan awood ciidan, halkaas oo laga hir galin doono maamul madani ah, oo ka shaqeyo masalixda maamulka Yuhuuda iyo wadamada Sucudiga iyo Masar.
Jaziirada Tiran oo ku fadhisa dhul gaaraya ilaa 61.5 KM oo isku weer ah ayaa ku taala meel lix km u jirta xeebta bari ee jaziirad u ekaha Siinay, halkaas oo ay ku taal magalada lagu dalxiiso ee Sharma Sheikh, halka Jazirada Sanafir oo ku fadhiso dhul gaaraya ilaa 33km oo isku weer ahna ay ku taal meel 2.5 u jirto isla bariga jazirad u ekahaasi.
Labadan jazeerad oo ahaa kuwa aan la daganeyn ayaa ku hoos jiray maamulka Qaahira tan iyo sanadki 1950ki, lkn maamulka Yuhuuda ayaa xoog ku qabsaday intii uu socday dagaalki Kanaalka Suweys, isagoo kalmo ka helaya wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska, xilligas oo ku began sanadki 1956di, Jazeeradahan ayayna ka kacday dhimbisha dagaalki dhex maray yuhuuda iyo Carabta, kaas oo dilaacay sanadki 1967di, arintan ayaana timid, kadib marki ay xukumada Qaahira shaacisay iany ciidankeeda ku faafisay Jazeeradaha ayna albaabada isugu dhufatay marin biyoodka Tiiraan ee laga galo Dekada Ilat ee ay Yuhuudu xooga ku qabsaden.
Masar ayaa markale dib ula waregtay Jezeeradahan sanadki 1982di, 3 sano kadib marki la saxiixay heshiski nabada ee dhex maray Qaahira iyo Tal Aviv, lkn waxaa ku sugna ciidan nabad ilaalin ah oo ka socday Mareykanka iyo dalal kale, kuwaas oo waardiyo ka ahaa Yuhuuda xaaqidinta ah, maadama uu irid kani yhy midka kaliya ee gumeystaha ku xiro Bada cas, halkaas oo ay ka gooshaan badeecadaha caalamiga ah.
Bishi Abril sanadki 2016ka Dowladaha Sucudiga iyo Masar ayaa kala saxixday heshis dib loogu eegayo xuduud badeedka labada dal, waxa ayna isla garten in milkiyada Jaziiradaha Tiiraan iyo Sanaafiir lagu warejiyo xukumada Riyadh, arintan oo dhalisay buuq siyaasaded iyo mid bulsho oo weyn, inkastoo ay marki danbe is fahan kusoo dhamaatay.
In ciidanka Nabad ilaalinta ay ka baxaan Jazeeradahan ayaa ka dhigan, inay dhamatay colaadi dhex tiil Yuhuuda iyo Carabta, Sucudiga ayaana ugu danbeyey dalalka qalinka ku duugay heshisk safqatul qarni, inkastoo aysan si rasmi ah ugu dhawaqin, balse ay adegsaden xeelado kale, maadama ay aqbalen dhamanba heshisyadi ay horey u saxiixen dalalka Imaaratka, Baxreyn, Kuwait, Sudan, Morocco iyo Masar, halka sidoo kalena ay si cad u shegen, in dib loosoo nooleeyey cilaaqaadki dalxiis iyo duulimadyadi kala dhexeyey Yuhuuda xaaqidinta ah.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Ciidanka_Nabad_ilaalinta_waa_ay_ka_baxayaan_Jaziiradaha_Tiiraan